Shirwaynaha Beelweynte Direed oo dhici doono 28.febraayo.2019, laguna qaban caasimada dalka Itoobiya Adis Ababa

Shirweynaha aayo ka tashiga beelaha Direed ayaa wuxuu ka dhici doonaa caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa. Shirkan oo dhici doona 28.febraayo sanadakan 2019 ayaa waxaa ka soo qeyb geli doono dhamaan hogaanka iyo bulshada beelaha Direed ee ku dhaqan geeska Afrika.

Shirkan oo ah shir looga tashan aayaha iyo mustaqbalka beelaha Direed, isla mar ahaantaana laga sameeyo talo wadaag sidii loola jaanqaadi lahaa nidaamka dimuqraadiga iyo isbedelka horumareed ee ka soo ifaya gaar ahaan dalka Itoobiya, guud ahaan geeska Afrika.

Isbedelkan oo uu hogaaminaya RW dalka Itoobiya Mudana Dr Abi Ahmed iyo Dowlada uu hogaanka u hayo ayaa waxaa ay dalka iyo dadkaba ku hogaamin siyaasad ku saleysan cadaalad, sinaan, horumar, iyo in la dhowro xuquuqul insaanka, laguna xad gudbin xuquuqaha muwaadanka iyo qowmiyadaha balaaran ee ku dhaqan Dalka Itoobiya.

Isbedelkan oo ogolaan in muwaadan iyo qowmiyad kasta ay xaq u lee yihiin inay ka tashadaan aayahooda, qeybna ka qaatan arrimaha horumarka, xasiloonida, nabad ku wada noolaanshaha, iyo ilaalinta sharciga iyo nidaamka u dhaxeeye bulshada iyo qowmiyadaha ku dhaqan dalkan.

Beelaha Dirka oo muq iyo miisanba ku leh degaanada ismaamulka Somalida Itoobiya , iyo dalalka Deriska sida Somaliland, Jabuuti, Somalia, iyo weliba degaanka NFD ayaa shirkan wuxuu noqon doona shirkii ugu horeeyey oo kulmiya beel sidaa u balaaran oo degen dhamaan dalalka geeska Afrika.

Beesha Direed ayaa ah beelaha Soomaaliyeed oo lagu yaqaan deris wanaaga, nabad jaceylka, Asluub iyo Anshax wanaaga, ehel iyo ood wadaagna la ah dhamaan beelaha Soomaaliyeed, iyo weliba qowmiyado badan oo ku dhaqan geeska Afrika. Beesha Dirka oo runta door dhanka isu soo dhawaanshaha, isku xirka, xasiloonida iyo horumarkaba
ku soo kordhin geeska Afrika haddii ay ka muuqdaan, kana soo baxaan doorka iyo masuuliyada dhanka horumarka degaanada iyo dalalka ay ku nool yihiin.

Shirkan oo aad loo hadal hayo, oo ayna ka hadleen dhamaan saxaafadaha dowliga ah ee dalka Itoobiya iyo saxaafado kale oo badan ayaa wuxuu dhici doonaa 28.febraayo.2019.

Halkan ka daawa kulan looga hadlayo shirkan muhiimka ah ee beelaha Direed:

https://youtu.be/Fc03eHE2_M0

cowslafil.com

Be the first to comment on "Shirwaynaha Beelweynte Direed oo dhici doono 28.febraayo.2019, laguna qaban caasimada dalka Itoobiya Adis Ababa"

Leave a comment

Your email address will not be published.