Degmada Gablalu iyo dil halkaa kadhacay shalay

Koomishneerka police ka gobolka Sitti ee DDS mudane Muxumed Cabdulaahi, ayaa VOA da laanteeda axmaariga waraysi uu siiyay usheegay inay liyu police ka deegaanka Canfartu duulimaad qarsoodi ah kusoo qaadeen degmada Gablalu ee gobolka Sitti ee DDS halkaasna kudileen 4 qof oo shacab ah labo oday oo waayeel ah na latageen/qafaasheen maalintii shalay.

Koomishneerka ayaa intaasi kudaray inuu falka ay samaynayaan ciidanka liyu police ka canfartu uu yahay taagtikooyinkii/ficiladii uu samaynjira hada kahor Cabdi-ilay (waa siduu hadalka u dhigay e) maadaama ayna degmada Gablalu xad lalahayn goobihii xuduuda ahaa ee colaadu kataagnay xaga Jabuutina xigto. Koomishneerka ayuu warkiisu ahaa waa layidh una cadeeyay wariyihii waraysanayay inuuna xog dhab ah oo faahfaahsan kahaynin.

Wariyaha ayaa warbixintiisii kudaray inay maantana waxgaradka beesha ciise (ufiirso ma uuna odhanin waxgaradka soomaalida) ay yeesheen shir ay kaga soo horjeedaan dilka shacabkooda magaalada shiniile baaqna kasoo saareen.

Dr. Muuse Catoosh oo ah lataliyaha wasaarada caafimaadka heerfadaraal ee arimaha reer guuraaga ayaa u faahfaahiyay VOA da waxa sababay dagaalkan isagoo sheegay in hada kahor la hoosgeeyay 3 daas magaalo deegaanka canfarta qodobo lahu heshiiyayna jireen ooy kamidahaayeen inay iyagu ismaamulaan helaana dhamaan adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa taasoon waxba laga qabanin, isbadalku markuu dhacayna shacabku si nabada ugu muujiyeen cabashadoodii laakiin liyu police ka canfartu xabad iyo dil ugu jawaabeen.
Dhanka canfarta iskuday ay sameeyeen VOA du inay kulaxidhiidhaan waxna kawaydiiyaan eedaymahan wasiirka warfaafinta deegaanka canfarta ayaa usuurto gali wayday inay helaan.

Waxayna intaas ku dartay idaacadu inay labada dhinacba sheeganayaan in dad shacab ah laga laayay. Ilaahay waxaa lagu mahadiyay inay gudigii isku dhafka ahaa ee xaqiiqa raadintu indhahooda ku arkeen maydkii dhawr iyo labaatanka ahaa ee ciidanka liyu police ka canfarta iyo 11 nolosha lagu hayo si wanaagsan oo bani aadminimo ku dheehantahayna loola dhaqmay.

Ilaahay hanaga qaboojiyo colaadi khayr ma lehee
Xigasho:

cowslafil.com

Be the first to comment on "Degmada Gablalu iyo dil halkaa kadhacay shalay"

Leave a comment

Your email address will not be published.