Jaaliyada Somali State ee dalka Imaaraadka Carabta oo kulan la yeeshay Safaarada Itoobiya.

Hogaanka Jaaliyada Somali State ee dalka imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayo Suldaan Ismail Suldaan Odowaa ayaa waxay ka qeyb qaateen kulan iyo xaflad lagu anba bixin safiirkii hore ee Itoobiya oo hadda lagu bedelay safiir cusub.

Xafladaa waxaa hadalo muhiim ah ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Somali State Suldaan Ismail Odowaa, oo ka hadlay arrimaha colaadaha ka jira xuduudaha maamulka Soomaalida, Oromada, iyo Canfarta. Gudoomiye Suldaan Ismail ayaa ka codsaday dowlada federaalka ee Itoobiya in arrimahan ay wax ka qabtaan, gacana ka geystaan sidii loo soo afjari lahaa colaadahan oo sababay dhimasho, dhaawac, iyo bur bur hanti iyo degaan intaba.

Safiirka Hore ee dalka Itoobiya ayaa isna sheegay in codsiga Gudoomiyaha Jaaliyada Somali State uu u gudbin doono madaxda iyo hogaanka Dalka Itoobiya.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Jaaliyada Somali State ee dalka Imaaraadka Carabta oo kulan la yeeshay Safaarada Itoobiya."

Leave a comment

Your email address will not be published.