Aqoonyahan”Gobolka Bakool hadii Uu dagaal Ka dhacao Masuuliyadeeda Waxaa qaadaya Shariif Xasan”

Cabdi raxmaan cabdi iidow oo ah waxgarad ka soo jeeda gobolka bakool wareysi uu siiyay warqabdka Radio danan ee muqdisho,ayaa waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo aanay helin xuquuqdii ay ku lahayd maamulka koofur galbeed somaaliya.

Aqoonyahanka aya sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay degto gobolka bakool waxa uuna sheegay in wadada loo maray wasiirada koofur galbeed ay tahay mid cadaalad darro ah. “Waxaan aad iyo aad uga xunahay in beesheena jajeele xuquuqdoodii la duudsiiyay,somaalida sida aad ogtiin waxa shidada ay uga bixi la’dahay waa cadaalad darro,qaabka lagu dhisay golaha wasiirada koofurgalbeed shariifku cadaalad darro ay ku sameyay,beesha jajeele waxa ay dagtaa labo meelood hal meel gobolka bakool”Ayuu yiri Aqoonyahankan ka soo jeeda gobolka bakool.

Aqoonyahanka su’aal aan hor dhiganay oo ahyad, idinku ahaan ma ugudbiseen shariif xasan Cabashada xuquuqdiinii waxa uuna ku jawaabay. “Waan u sheegnay shariif in beesha xuquuqdeedii uu ilaaliyo wuuna ogaa,si cad ayuu ubaal maray xuquuqdeenii,shariif wuxu iska hor keenayaa shacabka dagan gobolka bakool oo uu hub isku dhiibayaa,wax allaala wixii bakool ka dhacay isagaa dusha u rida doona”Ayuu yiri Aqoonyahan cabdi raxmaan cabdi iidow.

Si kastaba tan iyo markii shariif xasan sheikh aadan uu ku dhawaaqay golihiisa wasiieada cusub waxaa soo baxayay tabasho ka soo yeereysa bulshada dagan gobolada koofur galbeed ees sedexda gobol,waxaana kol hore arintaan dhaliilay waxgaradka ka soo jeeda shabeelada hoose oo iayagu sheegay in shariif xasan uu wasiiro ku abaal mariyay dad in mudo ah gobolkooda fara galin ku hayay,Sida ay hadalka u dhigeen.

Shariif xasan wali jawaab kama soo bixin oo ku aadan sidii uu ku qancin lahaa dadka daga gobolada uu doonayo in amamulkiisa uu ka hirgalo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Aqoonyahan”Gobolka Bakool hadii Uu dagaal Ka dhacao Masuuliyadeeda Waxaa qaadaya Shariif Xasan”"

Leave a comment

Your email address will not be published.