Madaxweynaha Westland State oo Booqday Deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Cawaale isxaaq cabdale Madaxweynaha maamulka west land state wareysi uu siiyay warqabdka idaacada danan ee muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay booqasho uu ku tagay deegaanka deefow ee gobolka hiiraan,isagoona sheegay in deegaanka dambas uu noqday oo gabi ahaanba la gubay.

Cawaale ayaa sheegay in dhinacyada ku dgaaalamay deegaanka deefow uu la qaatay kulamo gaar gaar ah ayna ka aqbaleen in xabad la joojiyo. “Deegaanka waanu tagnay,gabi ahaanba tuulada waa la gubay,dagaal ayaa deegaanka ka dhacay qasaarana wuu jiraa,meesha waa meel ciidan hada waxaan deefowkula kulnay dhinacii qabsaday waa naga ogoladeen in deegku uu noqdo meel nabad ah,dhinacii kalana waxaan kula kulanay xuduudka itoobiya iyana waa naga ogolaadee”Ayuu yiri madaxwenyaha Maamulka west land state.

Maamulka west land state ayaa ah maamul ka arimiyo gobolada hiiraan iyo bakool.
Xiriiro ay idaacada radiodanan la sameysay dhinacyada ku dagaalamay deegaanka deefow ee gobolka hiiraan ayaa aysan u suura galin si ay wax uga weydiino warkaan sheegay in ay aqbaleen xabad joojinta la dhex dhigay.

Deegaanka deefow ayaa waxaa dhawaan dab qabadsiiyay maleeshiyaad halkaa la wareegay kaa oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay horkacayaan saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka gobolkaasi.

Xigasho: radiodanan.com
cowslafil.com

Be the first to comment on "Madaxweynaha Westland State oo Booqday Deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.