Tacsi Tiiraanyo leh oo aan halkan uga direyno dadkii lagu xusuuqay degaanada Cadhaytu …

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhu Raajicuun

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee lagu xusuuqay degaanada;

1. Gadhamaytu
2. Cundhuftu
3. Cadhaytu
4. Danlehele

Dadkaasi oo ay halkaa ku xusuuqeen ciidamada Maamulka Canfarta (Liyuu police) iyo maleeshiyaadka Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay weerer gardaro ah kusoo qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanadan aan kor kusoo xusnay. Degaanada Gadhamaytu, Cundhuftu, iyo Cadhaytu oo si sharci darro ah in mudo ahba ugu hoos jiray maamulka Canfarta.

Weeraradan waxaa lagu xusuuqay shacab soomaaliyeed oo biri magaydo ah, waxaana lagu gubay Guryo iyo Beero.
Inkastoo oo aynaan ilaa hadda haynin tirokoob sax ah oo ku sabsan qasaaraha ka dhashay weeraradan, haddana waxaa jira Dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan.

Anagoo ah guud ahaan Ururka Midnimada Direed waxaan halkan Tacsi Tiiraanyo leh uga diraynaa guud ahaan umada Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha Ciise ee ka soo jeeda beelweynta Direed, dhamaanteen Samir iyo Iimaan Allaha inaga siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin

cowslafil.com

Be the first to comment on "Tacsi Tiiraanyo leh oo aan halkan uga direyno dadkii lagu xusuuqay degaanada Cadhaytu …"

Leave a comment

Your email address will not be published.