Cambaareyn ku socota Dowlad degaanka Somali State iyo Canfarta

Waxaa halkan cambaareyn kulul ka diraya shacabka Gobolka City ee Degaanka Ismaamulka somalida Ethiopia.

Ka dib dagaaladii ka dhacay degaanada Gadhamaytu, Cundhuftu, Cadhaytu oo ah degaano soomaaliyeed oo iyadoo aanan la tix gelin rabitaanka shacabka degaanadka, si aanan sharciga waafaqsaneyn loogu daray degaanada maamulka Canfarta.

Arrintaa waxaa xigay in ay xad gudubyo xuquuqul insaanka loo geysan dadkii iyo duunyadaba ay ku dhaqaaqeen ciidanka Liyuu Police’ka maamulka canfarta, xusuuq, bur bur, iyo degaano la gubo halkaa ka bilaabeen.

Shacabka ku dhaqan degaanadan oo difaacaya degaanadodda ayaa iska caabiyey gardarada iyo xad gudubka kaga yimid ciidanka Layuuga, isla mar ahaantaana dib uga saaray dhamaan degaanadooda.

Shacabka Degaanada City ayaa canbaareyn u diraya maamulka Canfarta ciidankooda xadgudub dad iyo degaanba halkaa ka geystay, iyagoo sababay burbur naf iyo maalmba, loo geystay degaano iyo shacab aanan waxba galabsan, oo ay hadda maamulaan Dowlad Goboleedka Canfarta. Arrintan ka dhacday halkaa ayaa daliil u ah in Maamulka Canfarta aysan qaadi karin masuuliyada uga aadan ilaalinta xuquuqda shacabka iyo degaanada hoos taga maamulkooda, halka ay dhacdadan muujin in ay muhiim muqadas ah tahay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanadaa rabitaankooda la tixgeliyo, dibna loogu celiyo Degaanka Ismaamulka Soomalida oo ay horey ugu tirsanaayeen.

Shacbka degaanada City ayaa waxaa kaloo ay cambaareyn kulul u dirayaan Maamulka iyo hogaanka Somali State, oo aanan ka qaadin talaabo cad xad gudubka iyo xusuuqa ka dhacay degaanka Danlehele oo ka tirsan Gobolka City oo ku yaal Somali State, halkaas oo dad dukaamada lagu gubay, hub culusna loo adeegsaday shacabka ku dhaqan degaanadan. Qaar ka mid ah haweenka iyo bulshada Danlehele ee degaanka City oo Cambaareyn diraya ka daawo halkan:

cowslafil.com

Be the first to comment on "Cambaareyn ku socota Dowlad degaanka Somali State iyo Canfarta"

Leave a comment

Your email address will not be published.