Ciidamada Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey oo Xeelad dagaal uga baxay iyo Dab Mar kale la qabad siiyay Labada Magaalo.

Ciidamada Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey oo Xeelad dagaal uga baxay iyo Dab Mar kale la qabad siiyay Labada Magaalo.

Warrka Naga soo gaaraya Aagaga Dagaalka Kabxanleey iyo Deefoow ayaa sheegaya Ciidamadii deegaanka in ay Xeelad Milatari uga baxeen Dhulkooda habeenimadii Xalay isla markaana ay Saaka la wareegeen Ciidamada Dawlada iyo Beesha u Abtiga ah Xassan Sheekh Maxamuud,

Wararka ayaa waxeey intaas kusii darayaan in Ciiidamada Qaranka iyo Kuwa Beesha Bariga Baladweeyn ay dab qabad siiyeen Guryihii ay dadka deegaanka dhisteen Markii Ciidamada Deegaanku ay ku soo noqdeen Kal hore iyadoo aan ogsoonayahay in hore loo gubay Kabxanleey iyo Deefoow hadana Mar kale dab la qabadsiiyay Guryihii Cusbaa oo ay dhisteen,

Waqti walba waa suura gal in ay dagaal soo qaadaan Ciidamada Deegaanka ee Goobtaas uu ka saaray Xassan Sheekh Maxamuud kadib markii uu juhdi weeyn iyo dhaqaalaba galiyay sidii deegaanadooda looga rari lahaa Beesha Surre, Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey ayaa noo sheegay in uu dagaalku sii socon doono ilaa inta ay jirto Dawlada Xassan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay Cudur Xun oo Soomaaliya ku dhacay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey oo Xeelad dagaal uga baxay iyo Dab Mar kale la qabad siiyay Labada Magaalo."

Leave a comment

Your email address will not be published.