Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Dir 02/01/2015

Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Dir
02/01/2015

Ku: Xafiiska Madaxweynaha DFS
Ku: Guddomiyaha Baarlamaanka DFS
Ku: Xafiiska R/Wasaaraha DFS
Ku: Dhammaan Madaxda DFS, Xarumahooda
Ku: Dhammaan Beelaha Soomaaliyeed
Ku: Dowladaha IGAD, Xarumahooda
Ku: Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG, UNSOM)
Muqdisho

Ujeeddo: Bayaan Cambaareyn ah oo ka soo baxay Gabdhaha Beesha DIR.
Annagoo ah Gabdhaha beesha Dir, khaas ahaan kuwa dega gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud iyo Shabeelada Hoose, waxaan halkaan ku cambareyneynaa xasuuqii mar sedexaad ka dhacay ka dhacay deegaanada Deefow iyo Kabxanley taasoo loogu geystay shacab masaakiin ah hantidoodina laga dhigay wax la gubay iyo wax la dhacay.

Waxaan kaloo halkaan ka cadeyneynaa in madaxweynaha uu hor istaagay guddi heer qaran ah oo uu magaacabay R/wasaare Cabdi weli Sheikh Maxamed oo loo xilsaaray inay soo afjaraan colaadaas taasoo macnaheeda yahay inuu dagaal ku soo afjari doono meeshii laga rabay in lagu soo afjaro wadahadal colaadaas.

Intaas waxaa sii dheer in Madaxweynaha uu deeganadaas arriinteeda u aaday dagaaladii ka dhacay lana shiray kaliya odayaashii beesha Xawaadle isagoo aan wax texgelin ah siinin ama aan la kulmin odayaashii beesha Surre Dire e deganadaas ka soo jeeday.
Qodobka III-c ee xeerka caalamiga ah ee qeexaya arimaha Genocide-ka wuxuu dhigayaa in ku boorinta si toos ah ama dadban loogu booriyo in la xasuuqo shacab uu qaanuunka dawliga ah xarimayo.

Sidaa awgeed aqoonyahaniinta gabdhaha beesha Direed eek u nool magaalada Muqdisho waxay soo saareen qodobadaan:

1).Waxaan marka hore u tacsiyeynaynaa eheladii iyo asxaabtii dadkii ku geeriyooday duulaankii gaadmada ahaa ee foosha xumaa ay ka dambeeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo beeleed ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo uu mas’uul ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fatah Hassan Afrah.

2).Waxaan ku wargelineynaa dhammaan beesha Direed ee ku nool dibedda inay la soo gaaraan gurmad deg deg ah walaalahood ku dhibaateysan Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada Kabxanley iyo Deefow.

3).Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka inay si deg deg ah u soo farageliso xaaladda ba’an ee ka taagan deeganada Kabxanley iyo Deefow taasoo beesha ay derisba la ahayd intii ay xukuumadda hadda jirta hoggaanka dalka qabatay ..

4).Ugu dambayn, Gabdhaha beesha Direed eek u nool magaalada Muqdisho ,ugu baaqayaan beesha caalamka inay ku cambaareeyaan Madaxweyne Hassan Sheikh siyasaadahiisa qabaliga ah iyo dhiirigalintiisa xasuuqa iyo dambiyadda xuquuqda aadanaha ee ka socda Kabxanely,Deefow iyo Shabeelada Hoose . Waxaa la joogaa waqtigii uu ra’yal caalamka gaar ahaan UN, USA, EU, AU HWR iyo dhamaan umadaha jecel nabadda ay kula xisaabtami lahaayeen Hassan Sheikh dambiyada dagaal ee uu ka wado deegaanada Beesha Direed.

Bayaanka waxaa soo saaray aqoonyahanada gabdhaha beesha Direed eek u nool magaalada Muqdisho:

Wabillaahi Towfiiq

cowslafil.com

Be the first to comment on "Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Dir 02/01/2015"

Leave a comment

Your email address will not be published.