Maxaa Ka Soo Kordhay Daaglaakii Deefow

Maxaa Ka Soo Kordhay Daaglaakii Deefow

Deegaanka deefow ee gobolka hiiraan oo saaka aroortii ay kabilowdeen dagaallo cul culus ayaa hada wararkii ugu dambeeyay ee ku soo dhacaya warqabdka Radio danan ee muqdisho u sheegayaa in xabadu ay yara qabowday.

Dhawaqa rasaasta fud fudud iyo Mida Cul Culus ayaa dagaalka la isu adeegsaday,xiriiro aan la sameynay dadka deegaanka deefow ayaa waxa ay inoo sheegeen in xabado goos goos ah ay maqlayaan,

Warka waxa uu intaa ku darayaa in dhinacyada dagaalamay ay iskooda ukala joogsadeen markii ay kala daaleen.

Waxaa jira warar cusub oo aan helnay isla markaana tilmaamaya in ciidamo ka fara badan oo huban dharka ciidanka dowlada federaalka kana tagay degmada baladweyne ay ku wajahanyihiin halka lagu dagaalamayo waxaase la ogeyn in ciidankaasi ay gurmad u yihiin dhinac kamid ah dhinacyada dagaalmaya iyo in ay yihiin ciidamo u socda in ay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Goor sii horeysay dadka deegaanka deefow ayaa waxa ay sheegeen in saaka inta aysan xabadu bilaaban ay arkeen ciidamo farabadan oo wata gaadiidkii dowlada isla markaana ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin maamulka gobolka hiiraan ay rasaas ku bilaabeen halka laga galo deefow,goobtaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo madani ah oo dadka deegaanku sameysteen, iyadoona isla goobta uu ka qarxay dagaal dad gaaraya 20 qofood ay ku dhaawacmeen,kuwaa oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Si kastaba wararka ayaa hada tilmaamaya in xaaladu ay yara dagntahay oo dhawaqii cuslaa ee rasaasta ay istaagtay kaliya kamaqlayo rasaas goos goos ah.

Deegaanada deefow iyo kabxanley ayaa dagaaladan ay ku soo noq noqdeen xukuumadii cabdi wali ayaa ku howlneyd xal u helida dagaalkaas balse kuma aysan guuleysan,waxaana waxgaradka gobolkaasi ay eedeyeen ciidanka Milatariga oo ay sheegeen in ay la safteen dhinac ay ku sheegen in deegaanadooda ay duulaan ku yihiin.

Dhinacyada dagaalamay ayaa hada isku horfadhiya waxaana waqti kasta la filan karaa in dagaalku dib uqarxo.

Raisul wasaaraha cusub ee somaaliya ayaa waqtiyo ka hor fariin u diray dhinacyada ku dagaalamaya deefow isagoona u sheegay in xabada la joojiyo shuruud la’aan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maxaa Ka Soo Kordhay Daaglaakii Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.