Baaq nabadeed iyo codsi gargaar deg deg oo bani aadanimo in la gaarsiiyo degaanada Cadhatyu, Gadhamaytu, Cundhuftu …

U/M/D 006/2019

Ujeedo Baaq nabadeed

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Saraakiisa, Ganacsatada Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay baaq nabadeed halkan uga dirayaan degaanada ay ku soo noqnoqdaan dagaalo u dhaxeeya dad shacab ah iyo ciidanka Liyuu Police’ka ka aramiya degaanka canfarta iyo degaanada Soomaalida oo kala ah

1. Gadhamaytu
2. Cundhuftu
3. Cadhaytu

Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed, kana tirsanaa ka hor 07/09/2014 degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti.

Waxaa ina soo gaaraya in weli dagaalada ay socdaan, dagaalkana uma dhaxeeyo shacabka Canfarta iyo Soomaalida, oo runtii ah shacab walaalo ah, ood wadaagna ah, kuna wada noolaa weligood deris wanaag iyo is qaderin. Balse dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa ciidanka Liyuu Police’ka ee dowlad degaanka canfarta oo ku hubeysan qalabka dagaalka noocyadiisa kala duwan, adeegsanaya hay’adahii iyo hantidii dowliga, iyo shacabka Soomaliyeed oo is difaacaya, dhibka ugu badana uu gaaray degaanada aan kor ku soo xusnay, dhibkaas oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax, iyo daryeel xumo guud oo la soo korodhay shacabka degaanadaas.

Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii, aqoonyahankii, siyaasiyiinta, saraakiisa, ganacsatada iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state in
 Colaadan si deg deg ah wax looga qabto, loona soo afjaro
 Gargaar deg deg ah oo bini’aadanimo la gaarsiiyo degaanada dagaaladu ay ka dhaceen
 La xakameeyo Ciidan’ka Liyuu Police’ka Dowlad degaanka Canfarta
 Leyska kaashado in dib loo soo celiyo xasiloonida iyo dib u dejinta shacabkii ka qaxay guryahooda, oo hadda in badan oo hoygooda la gubay.
 Uga danbeyn, in dib loo eego baahida iyo rabitaanka shacabka degaanadan oo doonaya in talada iyo maamulka dib loogu soo celiyo halkii ay ka tirsanaayeen ka hor 07/09/2014, oo ah degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti.

WA BILAAHI TOWFIIQ
TAARIIKHDA: 17.JANUARY.2019
OSLO, NORWAY
GUDOOMIYAHA Ururka Midnimada Direed: Ibrahim Ali Adan

Baaq__Cadhaytu_january_2019_v2

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baaq nabadeed iyo codsi gargaar deg deg oo bani aadanimo in la gaarsiiyo degaanada Cadhatyu, Gadhamaytu, Cundhuftu …"

Leave a comment

Your email address will not be published.