Dhaawacyo Aad u badan oo lageeyay Bariga Baladweeyne iyo Geerida kuwa Duulaanka waday oo tiro Beeshay.

Dhaawacyo Aad u badan oo lageeyay Bariga Baladweeyne iyo Geerida kuwa Duulaanka waday oo tiro Beeshay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada baladweeyne ayaa waxeey sheegayaan in dhaawacyo badan la geeyay Isbitaalka ay Dawladu Maamusho ee Bariga Baladweeyne isla markaana ay shacab badan hor tuban yihiin iyadoo dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan daaweeynta Ciidamada Dawlada ee ku naafoobay dagaalada,

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ahaa hogaamiyihii dagaalka ayaa wararku ay sheegayaan in uu madaxtooyada ka dalbaday diyaarad looga soo daad gureeyo Ciidamada Qaba dhaawacyada Culus ee aan waxba looga qaban karin Magaalada Baladweeyne,

Dagaalkana abaabulkiisa oo ahaa mid ay iska kaashadeen Madaxweeyne ku sheega Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Qabqablayaasha dagaalka ee Beesha u abtiga ah Madaxweeynaha ayaa waxaa laga dhaxlay Geeri badan oo ku habsatay Ciidamadii ay dabada kariixayeen waxaana waqtigan Xaadirka ku mashquul san yihiin Ururinta Meeydadkooda,

Xabadu way qaboowday oo waqtigan aan joogno Xaalladu way dagan tahay waxeeyna Guushu la jirtaa Ciidamada Deegaanka Kabxanleey iyo Deefoow waxaan ku mashquulsanahay sidaan ku heli lahayn tirada dhimashada iyo dhaawaca oo rasmi ah Nagala Soco oo isha ku hay mar walba

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhaawacyo Aad u badan oo lageeyay Bariga Baladweeyne iyo Geerida kuwa Duulaanka waday oo tiro Beeshay."

Leave a comment

Your email address will not be published.