Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo hogaaminaaya Dagaalka lagu qaaday Deefoow iyo Kabxanleey iyo Jab Weeyn oo uu la kulmay.

Wararka naga soo gaaraya Goobaha Dagaalka ayaa waxa ay sheegayaan in uu maanta si toos ah u hogaaminaayo Duulaanka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/Fataax Xassan Afrax waxayna weerarka kasoo qaadeen laba jiho Bariga iyo Galbeedka waxeeyna la kulmeen beesha Madaxtooyada laga Maamulo Jab iyo Halaag,

Kooxdii kasoo gashay dhanka Bariga waa baqo Carareen ayagoo si halhaleel ah ku qaatay Maydadkooda waqtigan Xaadirka waxaa Rasaas aan sidaas u badneeyn ay ka soo dhaceeysaa dhanka Galbeedka, Madaxweeyne ku sheega Xassan Sheekh Maxamuud Reer abtigiis Waxa gaaray qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh,

Bariga baladweeyn waxaa la geeyay Maydad badan oo aan cadeeyn ilaa hada tiradooda waxaana Mashquulsan Isbitaalka Bariga Baladweeyn, Shacab badan ayaana tuban oo ay eheladooda ku dhinteen ama uu dhaawacoodu yaal Isbitaalka Haween Badan ayaa ku barooranaaya hadeeydaan wax iska celin karin ha baa,bi,inina Wiilasheena,

Ilaa hada Xassan Sheekh Maxamuud waa natiijo Suge ka war dhoowraaya Hadba sida uu noqdo Weerarka uu soo abaabulay iyo waxa ay la kulmaan Reer Abtigiis, Ma,hayaan ku iri Naag riyaha lagu haleeyaa, Nooma muuqdo Madaxweeyne Soomaaliyeed Laakiin wuxuu hadli doonaa markuu dhab u ogaado in aan Surre la muquunin karin.

Waxaa waajib ku ah Dhamaan Qoowmiyada Dirka in ugu yaraan Niyada ka nacaan Dulmi Jadiid iyo Madaxweeyne ku sheega Xassan Sheekh Maxamuud ee Cadaawada Gaamurtay u haya Qoowmiyada Dirka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo hogaaminaaya Dagaalka lagu qaaday Deefoow iyo Kabxanleey iyo Jab Weeyn oo uu la kulmay."

Leave a comment

Your email address will not be published.