Baaq & Canbaareyn dagaalka ka socda Cadhaytu (Gobolka City, Somali State)

U/M/D 005/2019

Ujeedo Baaq & Canbaareyn dagaalka ka socda Cadhaytu

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen dagaalada ka socda degaanka Cadhaytu iyo degaanada deriska la ah, halkaas oo ay ciidanka Canfarta ay duulaan ku yihiin shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanadan hoos ku xusan

1. Gadhamaytu
2. Cundhuftu
3. Cadhaytu

Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed, kana tirsanaa ka hor 07/09/2014 degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti.

Waxaa ina soo gaaraya in dagaal u dhaxeeya dad shacab ah oo difaacan hoygooda iyo maatadooda, kana difaacan ciidanka canfarta oo ku hubeysan qalabka dagaalka noocyadiisa kala duwan, ay halkaa ku dagaalamayaan. Halkaas oo ay shacabka ku dhaqnaa degaanadaas qax, nolol adag, iyo macluul ugu dayacan yihiin duurka ka baxsan halka dirirtu ay ka dhacayso, ilaa haddana aysan jirin gar gaar bini aadanimo soo gaaray dadkaa shacabka ah.

Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii, aqoonyahankii iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state in umada halkaa degan laga qabto ciidaanka duulaanka ku ah, isla mar ahaantaana si deg deg ah loo gaarsiiyo gurmad iyo gar gaar bani aadanimo.

WA BILAAHI TOWFIIQ
TAARIIKHDA: 15.JANUARY.2019

OSLO, NORWAY
ABDIFATAH BUHE
XOGHAYAHA Ururka Midnimada Direed

Baaq__Cadhaytu_januaryr_2019

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baaq & Canbaareyn dagaalka ka socda Cadhaytu (Gobolka City, Somali State)"

Leave a comment

Your email address will not be published.