Saansaan coladeed iyo wada hadalo nabadeed oo ka socda Baladweyne

Saansaan coladeed iyo wada hadalo nabadeed oo ka socda Baladweyne

Wararka inaga soo gaaraya degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa sheegaya in maleeshiyada
xawaadle ee lagu soo daadgureeyey duleedka degaanadan ay saldhig ka dhigteen seddex meelood.

Saakayna ay dagaal ka soo qaadeen meel ka mid ah meelaha ay colaada ka hurin, lana kulmeen
iska caabin xoogan ee dhanka difaaca beelaha Surre, dibna ay ugu noqdeen halkii ay ka soo duuleen.

Waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya in qolyahan colaada ka hurin gobolka ay
ka madax adeegeen baaq nabadeed oo uga yimid hogaanka dhaqanka beelaha Xawaadle, Surre, Maamulka gobolka iyo Amisom.

Waxaa isku soo uruursaday duleedka degaanada Kabxanleey iyo Deefow nabad diid iyo dulmi wada huwan magac qabiil (Xawaadle), soona qaldaya mar walba dhaliyaro cusub oo laga soo uruurin degaano ka fog halka dirirta ka dhaceyso, hurinaya colaad iyo duulaan gardara ah oo ku wajahan degaanada Beelaha Surre ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada xaq u dirirka beelaha Surre ee difaacanaya degaanadooda ayaa ku jooga halka niyad sareysa,
saanad militery, gurmad iyo dhaqaale aanan kala go’laheyn heysta, ayna ka go’an tahay in ay siin jawaabta ku
haboon, masiibo iyo halaagna ay kala kulmi cid walba ee la soo doonata dulmi degaanadooda.

Weli waxaa ka jira halkaa saansaan colaadeed oo la filan karo inuu mar walba dagaal faraha looga
gubto ka dhaco halkaa. Halkan kala soco wixii ka soo kordha xaalada degaanada Kabxanleey iyo Deefow

cowslafil.com

Be the first to comment on "Saansaan coladeed iyo wada hadalo nabadeed oo ka socda Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.