Kulan ka Dhacey Magalada Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka ka soo Jeeda Beesha Qubeys Camaara

Kulan ka Dhacey Magalada Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka ka soo Jeeda Beesha Qubeys Camaara ayaa waxaa looga hadley in la taageeero wax kasta oo taageeraya dhinca nabadgalyada Gobolada Dalka siiba dedaalada lagu joojinayo dagaalada ka soo cusbaoonaadey Deegaanada Kabxanley iyo Deefow ay taageerayaan oo kaliya dhinaca Nabada.

sure_shir

sure_shir_01

sure_shir_02

sure_shir_03

Ugu horeyntii kulankaa ayaa lagu bilaabey Aayado Quraana iyo wacdi diini oo ka hadlaya in la wanaajiyo Naftaada ka dibna loo gudbo mida umadaha hale oo loo soo qaatey aayado iyo axaadiis.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadley nabadoono fara badan oo ay ka midyihiin Xuseen Geedi Jimcaale, Yuusuf Dhoore Qeyre, Cali Sabriye Isxaaq oo dhamaantood u soo qaatey qudbooyinkooda qaabtii ay ku taageeri lahaayeen iyagoo mideysan in dhinaca Wanaaga laga eego Dagaalada ka soo Cusboonaadey Gobolka hiiraan.

Ugu Horeyntii ayaa nabadoon Xuseen Geedi Jimcaale waxaa uu yiri Hadii aan maanta eegno xaalada guud ee beesha ay iskugu timid waa mid nabad galyo ku dhisan iyo hada wixii ka danbeeya oo aan gacan libaax siino inagoo mideysan ka qeyb qaadashada dhinac wanaaga Soomaaliya oo idilba sidii nalaku yiqiiney.

Waxaa sidoo kale Goobta ka hadley Muxumud Geedi Cilmi oo halkaasi ka shegay in xiliga hada lagu jiraa uu yahay mid laga sii baxayo fowdadii islamarkaasna looga behanyahey beesha in dhinaca hurumarka ay ka qeyb qaataan sida nabada oo ah waxa ugu horeeya ee la doonayo in la xoojiyo.

Nabdoon Yuusuf Dhoore Qeyre ayaa isagoo la hadlayey dadkii halkaasi iskugu yimid ee faraha badnaa ku yiri waxaan aheyn dad lagu tixgaliyo nabad iyo caano hadana meeshii ayaan soomaaliya u joognaa.

waxaa dadkii faraha badna la dardaarmey Nabadoon Cali Sabriye Isxaaq oo sheegay in hada wixii ka danbeeya ay beesha joogto ka dhigan doonto kulamada Noocaan oo kale ah si ay ula socdaan waayaha cusub ee somaliya ay gashey ayna tahey in dhinaca hurumarka ay ka shaqeeyaan hada wixii ka danbeya.

kulankaan maanta ka dhacey magaalada muqdisho ayaa ahaa mid soo afjarey kulamo xiriira oo ay lahaayeen beeshu mudooyinkii ugu danbeeye wuxxuna ahaa mid ay iskugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee beesha Surre sida,Dhalinyarada, Haweenka, Odayaasha iyo Culumada iyo Nabdoonada intaba.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Kulan ka Dhacey Magalada Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka ka soo Jeeda Beesha Qubeys Camaara"

Leave a comment

Your email address will not be published.