C/raxmaan Jimcaalle oo raba in uu indhaha ka tuuro DFS wuxuuna yiri Deefoow iyo Kabxanleey ha la geeyo Ciidanka

C/raxmaan Jimcaale oo oo ka tirsanaan jiray Baarlamaankii kumeelgaarka Soomaaliya ayaa isagoo muujinaaya in uu ku jiro dareen Soomaalinimo ku dhawaaqay hadalo Ceeb ku ah dadnimadiisa kadib markuu diiday in la kala dhex dhigo Dadka ku dagaalamay Gobolka hiiraan Ciidamada Amisom taas badalkeedana sheegay in la geeyo Ciidamada DFS ee Gobolka Hiiraan taasoo dadku ay u fasirteen Caatifad uu rabo in uu ku sii huriyo dagaalada ka socday baryahaanba Gobolka hiiraan,

Gobolka Hiiraan ma joogaan Ciidan Soomaali ka dhaxeeya oo kala dhex gali kara labada Beelood ee ku dagaalamay Gobolka waayo waxeeyba ahaayeen ku wii weerarka ku ahaa Kabxanleey iyo Deefoow Sidaas waxaa yiri mid kamid ah saraakiisha Ciidamada Deefoow iyo Kabxanleey,

C/raxmaan Jimcaalle riyo ayuu ku jiraa mana laga yaabo Qolooyinkii weerarka ahaa in aan aamino oo aan maatadeena iyo nafteena ku aamino hadalkiisa waxuu u dhigmaa Ciidamada Jooga Kabxanleey iyo Deefoow ha lagu wareejiyo amaanka Bariga Baladweeyne ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sarkaalkan u waramaayay Deefoow.com,

waxuuna Hadalkiisa ku soo qatimay waxaan soo dhaweeynaynaa DFS inkastoon ka tirsanaeeyno Gocoshooyin badan, ma fogeeynayno waana ogolnahay wixii wada hadal iyo wanaag ah oo ay la timaado Miis ayaanse kula xisaabtami doonaa DFS, Wuxuuna intaas ku sii daray in ay soo dhoweeyn jireen hadana ay waji furan u hayaan Dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan wixii wanaag ah oo ay la yimaadaan, mase ogolaan doono in aan maatideena ku aamino kuwii na weeraray ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Sarkaalku.

Xigashi: Deefow.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "C/raxmaan Jimcaalle oo raba in uu indhaha ka tuuro DFS wuxuuna yiri Deefoow iyo Kabxanleey ha la geeyo Ciidanka"

Leave a comment

Your email address will not be published.