Waa sidee xaalada Degaanada Deefow iyo Kabxanleey
Waxaa degen xaalada degaanada Deefow iyo Kabxanleey maalmahan, halkaas oo ay
ciidamada xaq u dirirka degaanadan ay ka wadaan howl galo lagu xoojin nabada, loogana
difaaca cidii dulmi lasoo doonata degaanadan.
Mar aanu la hadalnay ciidanka ku jira furinta hore ee difaaca
ayaa inoo sheegay inay ka go’an tahay in ay ka difaacan degaanadooda cid walba iyo awood
kasta oo dulmi lasoo doonata.
Beesha Baladweyne ee dulmiga iyo duulaanka ku ah degaanadan ayaa wali ka biyo diidsan nabada ay
ku baaqeen culumo udiinka Gobolka iyo dowlada Soomaaliya. Waxaa ay beeshan idaacadaha u sheegeen
in arrimaha Gobolka Hiiraan aanan lagu soo fara gelin karin, waxna aysan ka qaban karin wafdiga heer
wasiirka ah ee ku shiray ciisimada Muqdisho.
Masuuliyiinta ka soo jeeda degaanada Deefow iyo Kabxanley ayaa u sheegay culumada ka shaqeyn nabada iyo dowladaba in aysan caqabad ku noqoneyn howlaha nabadeynta gobolka, cidna aysan duulaan ku aheyn, cidii dulmi iyo dagaal ku soo qaadana degaanada Kabxanley iyo Deefow in ay iska difaaci.
Waxaa muuqata in beesha Baladweyne ay doonayaan inay Gobolka waxay doonaan ka sameeyaan, lagalana xisaabtamin colaada, barakicinta, xusuuqa, burburinta ay ku hayaan Kabxanleey iyo Deefow, iyagoo daliil ka dhigan wadanka federalism ayaa ka jira oo nalaguma soo faragelin karo arrimaha gobolka. Haddaba beeshan colaada u bareertay waxay hilmaameen in dadka ay dhibaateen ay yihiin dad soomaaliyeed, dowlada soomaaliyana ay ka hadli, masuuliyadna ka saaran tahay in dalka lagu hogaamiyo nabad iyo horumar, lagana dhowro fowdo iyo colaad, sidaa aawadeed ay dowladu, international community, iyo ciidanka AMISOM dhamaantood ay soo fara gelin meel walba iyo gobol walba oo ay ka jiraan waxyaabo dalka burbur iyo dagaal sokeeye dib ugu celin.
Colaadaha soo martay Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhalatay in Baladweyne ay labo u qeybsan tahay,
degaano ka tirsana Gobolkana ay markii uu dulmiga ka batay ka doorbideen inay ku wareegaan maamulka
kilinka shanaad ee Itoobiye halkaas oo ay ku heleen nabadgelyo, iyo weliba in degaanada qaarna ay
qeybna dhinaca itoobiya jiraan, qeybta kalena gobolka Hiiraan. Degaanadan dulman dhamaantood ayaa ka cabanaya in ay beesha Baladweyne ka soo duusha ay dhibaato ku heyso, haddana uu gobolka galay xaalad colaad
aanan xad laheyn, shacab, dalag iyo duunyaba aanan loo aabayeeleen sida ka muuqata
dhibka loo geystay Deefow iyo Kabxanleey.
Xaqiiqda ka jirta gobolka ayaa ah inay jirto beel is mahadisay ka dib markii hubkii iyo hantidii qaranka
dhamaantood ay gacanta ku dhigeen, wadana colaad joogta ah, una baahan in leyska qabto.
Dowlada iyo Amisom haddii ay wax xakameyn ha qaadaan masuuliyada ka saaran hantida iyo hubka qaranka oo ay
ku adeegan beeshan colaada hurin, haddii taa laga helo dowlada iyo Amisom, haddaba waxaa hubaal ah in
dagaalkan uu soo afjarmayo sida ay dagaaladii hore ee qabaa’ilada soomaaliyeedba ay u joogsadeen muddo gaaban ka dib.
Haddii aysan Dowlada iyo Amisom aysan qaadin masuuliyada ka saaran hantida iyo hubka qaranka, ma dhaceyso
inuu joogsado dagaalkan, dadka degaanka Deefow iyo Kabxanleeyna waa ay ka go’an tahay inay is difaacaan, naf iyo maalba u huraan sidii ay xornimo ugu noolaan lahaaayeen degaanadooda.
Halkan kala soco xaalada degaanada Kabxanleey iyo Deefow
cowslafil.com
Be the first to comment on "Waa sidee xaalada Degaanada Deefow iyo Kabxanleey"