Mid kamid ah Odayaashii Beesha Bariga Baladweeyne ee Shalay Shirka Dab Hurinta Qabtay oo Xabsiga Loo taxaabay iyo kuwa kale oo lagu raad joogo

Mid kamid ah Odayaashii Shirka Jaraa,id ku qabtay magaalada Baladweeyne oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Raaxoow ayaa Xabsiga loo taxaabay,waxaana waqtigan Xaadirka ah la baadi goobayaa odayaashii kale ee la qabtay Shirka Jaraa,id,

Odaygan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in loo xiray Xaallad la xiriirta Hadaladii dab huriska ahaa ee ay goobtaas ka jeediyeen, wararku waxeey intaas sii raacinayaan Odayaasha kalana in la raadsanaayo si sharciga loo horgeeyo,

Qaar kamid ah Odayaashan Nabad diidka ah ayaa is hubeeyay si ay isu difaacaan waxaana dhici karta in halkaas ay ka dhacaan iska hor imaad hubeeysan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Mid kamid ah Odayaashii Beesha Bariga Baladweeyne ee Shalay Shirka Dab Hurinta Qabtay oo Xabsiga Loo taxaabay iyo kuwa kale oo lagu raad joogo"

Leave a comment

Your email address will not be published.