Wasiiradii Dagaalka Hiiraan loo xirsaaray oo Maanta la kulmay AMISOM.

Wasiiradii Dagaalka Hiiraan loo xilsaaray oo Maanta la kulmay AMISOM.

Gudigan ay dowladda Soomaaliya u xil saartay shalay dhameynta xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey oo katirsan gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo dad ku dhinteen si loosoo afjaro xiisadaasi gacan ka hadalka ah,

Gudoomiyaha gudigaasi shalay la magacaabay Nadiifo Maxamed Cusmaan ahna wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa sheegtay inay maanta kulan la qaateen saraakiisha ugu sareysa ciidamada AMISOM si ay gacan uga geystaan joojinta gacan ka hadalkaasi,iyadoo xustay inay ogolaadeen inay ciidamo iskudhaf ah kala dhex dhigaan dhinacyada dagaalamay.

Eng,Nadiifo ayaa sheegtay inay ku rajo weyn yihiin sidii loogu guuleysan lahaa in lasoo afjaro dagaalada sida macno la,aanta ah ay ugu dhamaanayaan dhalinta Soomaaliyeed ee qaabka qabiil loo abaabulay iyadoo kulankanina uu noqonayo howshii ugu horeysay ee ay gudigu qabtaan tan iyo markii shalay la magacaabay.

Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska Nadiifo Maxamed Cusmaan ayaa ugu baaqday dadka kunool gobolka Hiiraan inay u istaagaan joojinta dagaalada si meesha looga saaro colaada kala qeybsanaanta iyo dhibaatada soo gaareysa dadka iyo deegaankaba..

Dowladda Soomaaliya ay horay ugu guuleysatay inay soo afjarto dagaalo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay deegaano badan oo katirsan gobolka Hiiraan hase ahaatee gudigan ayaa la filayaa inay dhawaan u amaba baxaan gobolkaasi.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wasiiradii Dagaalka Hiiraan loo xirsaaray oo Maanta la kulmay AMISOM."

Leave a comment

Your email address will not be published.