Beesha Xawaadle oo qaadicday nabada dowlada soomaaliya ay ku talisay

Beesha Xawaadle oo qaadicday nabada dowlada soomaaliya ay ku talisay

Beesha Xawaadle ayaa weli ku madax adaygi in nabad lagu soo dhameeyo colaada ka huraysa
degaanada Deefow iyo Kabxanleey.

Beesha Xawaadle ayaa cadeysatay in haddii dowlada soomaaliya aysan ku taageereyn xusuuqa iyo
isir sifeynta ay ka wadaan gobolka Hiiraan inay qaadici wada shaqeynta ay la leeyihiin dowlada,
isla mar ahaantaana ay xoog kula wareegi hubka qaranka halkaa yaal si ay u sii wataan xusuuqa
iyo barakicinta ay ku hayaan shacabka reer Deefow iyo Kabxanleey.

Beesha Xawaadle oo ka dib markii lagu jebiyey affartii dagaal ee gardarada ahaa oo ay ku
qaadeen Kabxanleey iyo Deefow ayaa hadda afka furatay, rabana inay ku owr kacsadaan
beelaha Hawiye iyo Jareer Weyne, kuna tilmaamay wiilasha xaq u dirirka ee difaacanaya
guryahoodii inay yihiin Shabaab iyo umado kale. Waxayna ku hanjabeen in cid walba oo is
hortaagta colaada ay ka hurinayaan gobolka, kana hadasha arrimaha nabada in Xawaadle ay talaabi ka qaadi.

Haddalada ka soo yeeray masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa laga
arkayaa in ay si aad ah uga careysan yihiin in laga xakameeyo hubkii qaranka
oo ay markey doonaana qaadan jireen, cidey doonaana ku xusuuqi jireen, halkaas oo
ay ku sheegeen hubkii qaranka inuu markiisa horeba ahaa mid beelo ay lahaayeen,
haddana aanan laga horistaagi karin.

Waxaa ku cad haddalada ka soo yeeray masuuliyiinta Xawaadle, inaysan taageereyn dowlada iyo
qaranimada, haddii laga hadlo nabad in lagu soo afjaro dagaalada ka socda Kabxanley iyo Deefow.

Haddaba aanu aragno awooda ay is biday beeshan halka ay geyso, iyo haddii ay yihiin Beel
awood u sheegan karta dowlada, iyo weliba inay ku sameyn karaan isir sifeyn beelaha Surre Dir
ee ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefow.

Halkaan ka daawo hadalka ka soo yeeray hogaanka dhaqanka beesha Xawaadle

cowslafil.com

Be the first to comment on "Beesha Xawaadle oo qaadicday nabada dowlada soomaaliya ay ku talisay"

Leave a comment

Your email address will not be published.