Dhageyso: Gudi Wasiirro ah oo loo Xil Saaray Dhameynta Dagaalka Deefoow & Kabxanley

Dhageyso: Gudi Wasiirro ah oo loo Xil Saaray Dhameynta Dagaalka Deefoow & Kabxanley

Kulan Gaar ah oo maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen ayaa waxey uga hadleen Dagaal Beeleedkii ka dhacay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan islamarkaana Dadka badan ay ku Geeriyoodeen.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Shir gudoominayay Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Khaliif Axmed Erag.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Gudi ilaa Shan Xubnood ah u Xilsaaray Dhameeynta Dagaalada Deefoow iyo Kabxanleey,waxaana Hogaaminaya Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Marwo Nadiifo.

Sidoo kale Golaha ayaa sheegay in Beelaha Dagaalamay la kala dhex dhigi doono Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.


cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso: Gudi Wasiirro ah oo loo Xil Saaray Dhameynta Dagaalka Deefoow & Kabxanley"

Leave a comment

Your email address will not be published.