Waa sidee xaqiiqda dacwada Taleefishinka Universal

Waa sidee xaqiiqda dacwada Taleefishinka Universal

Dacwada taleefishinka caalamiga ee universal ayaa soo taxneyd Sadaxdii Sano ee lasoo dhaafay kadib markii uu kasoo bogsaday xanuun hayey mudo sanada ah Milkiilaha Taleefishinka Universal Mudane Cabdiqadir Maxamed Axmed oo isagu ku soo indha kala qaaday hantidiisa oo uu sheeganayo madaxii farsamada ee Talefishinka Universal Axmed Abukar Mubarak.

Hadaba dacwadan oo iyadu marba heer istaageysa ayaa sida aad ka daawateen Tv Universal waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isagu wareysi gaara siiyey sidoo kalana warqad qoraalana soo saaray hadaba warqada sumadeeda tahay D 1 fiiri ee lifaaqa ku jirta,kadib waxaan u gudbeynaa xaqiqada jirta iyo sida go`aanka gacan ku sameysa isku gafsanyihiin.

Gudoomiyaha maxkamada sare oo isagu heshiis laba dhinacle ah la galay Axmed Abukar Mubaarak ayaa go`aanka u dhigay si aan adkeyn isagoo ka kala dhigay in laba shirkad kala yihiin Universaltv si taa run ugu ekaatana u aqbalay warqad diiwaangalina oo la sameeyey 2009 taasoo kaba danbeysay aas aaskii talefishinka universal oo dhidibada loo taagay sanadka markii ahaa 2004 sidaad ku arki doontaan lifaaqa soo socda lakiin warqadan Diiwaan galinta ee uu sameysey 2009 waxaa ku saxiixan walaalkii Xamduun iyadoo aduunka lacageed ee heysatana sida warqadaha diiwaan galinta ku qoran ay tahay £ 1 oo ah lacagta ingiriiska.

Hadaba fiiri warqada sumadeeda tahay D 2, D 3,D 4 iyo D 5 ee ku jirta lifaaqa.

Inkastoo uu axmed abubakar Mubarak la yimid warqadan oo ah mid caqliga uu diidayo ayaa hadana sidoo kale wuxuu barta facebook uu ku leeyahay ku qoray in talefishinka universal uu aas aasay sanadku markuu ahaa 2005 sida aad ku arki doontaan warqada soo socota, isagoo sidoo kale wareysiya muuqaala oo badan ku bixiyey in 2005 uu sameeyey Talefishinka universal.

Horaa loo yiri hadaad beenlow tahay xusuus badan lahow, bal eeg warqada sumadeeda tahay D 6 ee lifaaqa ku jirtataasoo ah sida ku qorantay facebook giisa lakiin warqadii uu maxkamada la yimidse ay ka duwaneyd oo ay aheyd 2009.

Xukunkan ay gaartay Maxkamada sare kahor intii ay howshaa isku diyaarineysay waxaa tira ka laba jeer warqad u diray xafiiska Xeer ilaaliyaha guud taasoo ay ku codsanayeen in Maxkamada sare ay joojiso Dacwada Madaniga ah maama Dacwad Ciqaabed ka furan tahay Xafiiska Xeer ilaaliyaha iyadoo loo cuskaday qodobka 272 X H C S iyo 207 X. H. M.S lakiin intaba dhagahuu ka fureystay Gudoomiyaha maadama balan qaad hoose iyo heshiis dhagareed ay wada galeen Axme Abubakar Mubarak iyo Gudoomiye Ilka xanaf.

Hadaba fiiri warqadaha sumadooda tahay D 7, D 8, iyo D9 ee ku jira lifaaqa.

Axmed abubakar Mubarak madaxii farsamada ee Talefishinka Universal isku daygiisa ah in uu sharciga ka dhuunto waa mid uu horey ugu diyaar garoobay lakiin sharciga intee ayaa laga baxsan karaa waa su`aal horey looga waaya arkay balse bishii afaraad ee sanadkan ayey warqad safar joojina kasoo baxday xafiiska Xeer ilaalinta guud.

Muxuu Axmed Abukar Mubarak uga cararaa sharciga?

Taas waa su`aal cid kasta isweydiin karto sababtoo ah shaxda qiyaano ee uu isku tusay in uu kusii heysan karo Hanti uusan laheyn ay noqotay in bari horaba intuu Milkiilaha Xanuunsana baa`bi`iyey Address kii lagu yaqaan Taleefishinka Universal iyo guud ahaan shirkada taas badalkeedana u badashay in uu isticmaala magacyo shirkada kale oo aan warbaahin aheyn si uu usii cimri dheereystaa lakiin sharcigu maahan mid sidaa looga baxsan kara.

Hadaba halkaan hoose ka eeg warqadii lagu diiwaan galiyey taleefishinka universal iyo sanadkii la diiwaan galiyey, warqada sumadeeda tahay D 10 sidoo kale riix linkgan si aad u aragto magaca saxda ee uu ku diiwaan gashanyahay universal tv si aad xaqiiqda usii ogaato.

Dacwadan oo iyadu sii soconeysa ayaa maalinkasta oo ay sii socotaba mugdi sii galineysa Axmed Abukar Mubarak madama uu gunaanadka dhaxlidoono in uu soo gudaa canshuurtii uu la baxsaday iyo inuu waayaa hantida uusan usoo dhididin iyadoo dhanka Milkiilahana uu kusii dhiiranaayo markasta in uu xaqiisa soo ceshadaa si xalaal ah.

D 1

D 2, D 3,iyo D 4

D 6

D6

D 7

D 8

D 9

D 10

D 11

D11

D 12

D 14

UBSOM & UNIV TV LIMITED

D 10

cowslafil.com

Be the first to comment on "Waa sidee xaqiiqda dacwada Taleefishinka Universal"

Leave a comment

Your email address will not be published.