Dagaal dib uga qarxay degaanka Kabxanleey saaka aroortii

Waxaa ina soo gaaraya in markale uu dagaal dib uga qarxay degaanka Kabxanleey, dagaalkaas oo ay soo qaadeen gaaska shanaad ee qaran ku sheega ka soo duuley Baladweyne oo ku haya dumli degaanada Kabxanley iyo Deefow

Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in lagu jibiyey dagaalka gaaska shanaad oo ka soo duulay Baladweyne oo ay dib ugu carareen halkii ay ka soo duuleen, ilaa iyo haddana la xaqiijiyey inay ugu carareen hal qof dhimasho halkii dirirtu ay ka dhacday.

Dagaalka maanta oo aad u xooganaa oo aan waxba leysu reeban labada dhinac ayaa lagu kala baxay hadda, welina ay xiisadu kacsan tahay halka ciidanka difaaca degaanada Kabxanleey iyo Deefow ay halkeedii ka sii wadan howlaha lagu ilaalin nabadgelyada degaanada, lagana difaaci cid walba oo la soo doonata gardaro.

Wixii ka soo kordha xaalada Kabxanleey iyo Deefow halkan kala Soco

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal dib uga qarxay degaanka Kabxanleey saaka aroortii"

Leave a comment

Your email address will not be published.