Baroor badan oo ka jirta Magaalada Baladweyne

Dagaal aad u qaraar oo maanta ka dhacay Kabxanleey ayaa waxaa jab weeyn uu ka soo Gaaray Gaaska Shanaad ee Ciidamada DFS oo hiilo u ah beel ka mid ah beelihii ku dagaalamay Gobolka Hiiraan,

waxaana buuxsamay isbitaalka Magaalada Baladweeyn kadib markii la keenay Dhaawacyo aan xad lahayn waxaana isla markaa lagu soo waramayaa in ay jirto Geeri ka badan intii markii hore loo heeystay, Xaafad walba oo aad
ka marto Magaalada Baladweeyn waxaad maqleeysaa oohin,

Dagaaladan oo marar badan soo noq noqday ayaan laga gaarin wax xal ah inkastoo ay soo dhex galeen Beelaha kale ee dega Gobolka Hiiraan waxaana ka madax adeegay oo aaminay Dagaal Beesha Baladweeyne,

DFS ayaa waxaa laga dareemayaa in ayan u sineeyn labada Beelood oo ay Dhinac u janjeedho, Dad Xogxogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in ayan rabin Dawladu in ay baaq nabadeed soo saarto ilaa ay guushu ay mareeyso dhanka ay la safan yihiin, Madaxweeynaha DFS iyo Gudoomiyaha Goblka Hiiraan oo ka wada hadlay dagaaladan ayaa isku af gartay in marka hore Reer Deefoow iyo Kabxanleey Xoog lagu Maquuniyo kadibna la raadiyo Nabadeeyn.

Waxaana cad in Madaxweeyne Xassan SH Maxamuud uu daneeynaayo in ay Guushu soo marto Dhanka Ciidanka Dfs ee Gobolka Hiiraan ayagoo ku dagaalamaaya magac Beeleed kana helaaya Gargaar dhan walba ah DFS taasoo ah arin ka hor imaan doonta oo caqabad ku noqon doonta Xilka uu u dhaartay Madaxweeynaha DFS Xassan SH Maxamuud.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baroor badan oo ka jirta Magaalada Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.