Maamulka Westland State ayaa ku howlan in la xoojiyo nabadgelyada degaanada Duleedka Baladweyne

Maamulka Westland State ayaa ku howlan in la xoojiyo nabadgelyada
degaanada Duleedka Baladweyne, dagaal qaraarna la galay Shabaabka

westlandstate_calan

Ciidamada Amisom ee Itoobiya iyo Maamulka Westland state oo ay ku mideysan yihiin dhamaan shacabka dega Gobolka Hiiraan iyo Bakool ayaa shalay waxay ka saareen Shabaab dhulka buuraleyda u dhaxeeya Far libaax iyo Deefow.

Madaxweynaha Maamulka Westland State Mudane Cabdi Sheekh Faarax oo la hadlay idaacadaha ayaa maanta sheegay in ay  ka saareen Shabaabka degaano muhiim u ahaa shacabka Hiiraan, halkaa oo ay ku dhibi jireen  dadka ku dhaqan degaanadaa. Degaanada Shabaabka laga saaray ayaa kala ah;

* Damaash
* Dhulka u dhaxeeya buuraha kor ka soo jira Far libaax iyo Deefow
* Doonkudle iyo wariiridle

Dagaalkii shalay dhacay oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa looga dilay shabaabka 8 ruux, hub fara badana looga furtay.

Maamulka oo inta badan gacanta ku haya degaanada Hiiraan ayaa kalsooni buuxda ka heysta dhamaan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan, ahna maamul ku howlan sidii loo xoojin lahaa, dibna loogu soo celin lahaa nabada iyo xasilooni, loona heli lahaa qaranimada umada Soomaaliyeed.

Maamulkan ayaa ah maamul 100% taageeru buuxda ka heysta shacabka Gobolka Hiiraan kuna dhisan nidaam cadaalad, sinaan, wada noolaansho, deris wanaag iyo in dib loo soo celiya dhaqamada  wanaagsanaa ee astaanta u ahaa gobolka Hiiraan, kuwaas oo ah in dadka ku dhaqan gobolka  ay yihiin mid qura, kuna abtirsada Hiiraan iyo Soomaalinimo, ehelna u ah Qaranimada umada
ka wada dhaxeeysa, kuna mideysan in dulmiga iyo fowdada laga saraa Gobolka, loona helo nabad waarta iyo Horumar.

Waxaa socda howlgala lagu sugayo dhamaan nabadgalyada Gobolka Hiiraan oo ay fulinayaan ciidamada daacada u ah Maamulka Westland State oo leh dhamaan astaamaha lagu garto ciidan qaran, ayna ku dhan yihiin dhamaan dadka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Bakool.

Halkan ka daawo Video: dhoola tus ciidanka qaranka maamulka Westald State ay
ka sameeyeen deegaano ka mid gobolada bakool iyo hiiraan gaar ahaan deegaan ceelcade oo ku yaalo gobolka hiiraan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maamulka Westland State ayaa ku howlan in la xoojiyo nabadgelyada degaanada Duleedka Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.