Wararkii ugu danbeeyey ee degaanada Kabxanleey iyo Deefow

Wararkii ugu danbeeyey ee degaanada Kabxanleey iyo Deefow

Waxaa ina soo gaaraya in ciidamada ka soo duula Baladweyne ee dulmiga ku haya dadka degaanka Kabxanley ay ka soo dageen buuraha, dibna ugu soo noqdeen degaanka Kabxanleey meel aanan ka fogeyn Baladweyne.

Ciidamada Baladweyne ka soo duusha oo la sheegay inaysan qabin kalsooni buuxda ay duulaan ku qaadaan, ama ay ku joogaan Kabxanleey ayaa u dhaxeeye Buuraha iyo meel soke oo degaanka Kabxanleey Dhanka Baladweyne.

Ciidamadan ayaa sida caadada u aheyd sugaya in markale ay garab ka helaan maamul ku sheega gobolka oo ku taakuleeyo tekniko ay jidka ku furtaan maadaama ay ku jabeen dagaalkii fool ka foolka ahaa, oo  weliba markaan niyad jab xoogan kala kulmay dagaalka dulmiga ahaa ay ku qaadeen Deefow subaxnimadii sabtida oo aheyd maalin ciid ah.

Waxaa socda diyaar garow iyo Gurmad soo kala gaaraya labada dhinac oo la filayo in waqti walba uu dagaal ka dhaco halkaa.

Beesha Xawaadle ayaa ku fashilantay dagaalkan halka aysan weli ka raja dhigin isir sifeynta iyo dhulboobka ay ku hayaan dadka degaanka Kabxanleey iyo Deefow, halka maskaxda ka danbeysa dulmiga oo ah sidan;

1. Qorshaha dhulboobka iyo isir sifeynta waxaa kashifay oday dhaqameedyada/Nabadoonada Beesha Xawaadle, ka dib  markii ay kala kulmeen iska caabin xoogan dadka degaanka, ayey ka sheegeen idaacadaha in Dir laga tir tirayo Hiiraan.

2. Maleeyshiyada laga soo daadgureeyo Maxaas iyo meelo kale oo garab ka helaya maamul iyo ciidan qaran ku sheega ah hal beel oo qura, oo fulin howsha argagaxiso nimada ee lagu gubi degaanadan, lagu xusuuqi shacabka reer Kabxanleey iyo Deefow. Si loo fududeeyo in lasoo dejiyo, laguna beero beesha Xawaadle degaanada Kabxanleey iyo Deefow ee la wada og yahay dadka asal ahaan degen halkaa

3. Hay’adihii samafal’ka oo ay maamulaan beesha Xawaadle oo loo adeegsan dib u dejin ay ku soo dejin xawaadle degaanada laga qixiyey shacabka reer Kabxanleey iyo Deefow

 

4. Qurba joogta oo balanqaadyo dhul iyo beero ka helay maamulka Gobolka, qeybna ka ah inay dhaqaale ku  bixiyaan in la barakiciyo dadka halkaa degen, si ay u maal gashadaan dhul beereedka Kabxanleey iyo Deefow.

5. Iyo mashiinka howlahan oo dhan isku haya, una xilsaaran arrimaha siyaada iyo maamulka gobolka, halka gudoomiyihii hore Laqanyo iyo kan cusub Cabdifitaax Xassan Afrax ay mar walba xooga saaraan in la qariyo oo uusan caalamka ka war helin,  qorshaha isir sifeynta ay ku hishiiyeen beesha Xawaadle, isticmaalana ereyga ah in AL-SHABAAB ay ka danbeyso dagaalka Kabxanley iyo Deefow, si loo xalaaleeyo xusuuqa iyo dhiiga dadka reer Kabxanley iyo Deefow oo degen degaano ay SHABAAB shaqo ku laheyn, weligoodna degaan ama saldhig ka dhigan. Gudoomiyaha gobolka ayaa u fududeeya maleeshiyada xusuuqa ka wada halkaa inay helaan hubkii qaranka, tageero ka helaan ciidankii beesha xawaadle ee qaran ku sheega ee lagu soo tababaray Jabuuti, iyo in cisbitaaladii, Baladweyne Airport, Hay’adihii samafalka dhamaantood loogu adeego beeshan dagaalka dulmiga  ku heysa degaanada Kabxanleey iyo Deefow. Taas oo ay dheer tahay in wiilka ay abtiga u yihiin Madaxweynaha Hassan Qoslaaye uu isna u xilsaaran yahay in international community laga dhaadhiciyo inuu dagaalkan yahay dagaal sokeeya oo  u dhaxeeya beelo walaala ah oo aan wax laga qaban karin.

Isku soo duub, xaalada ugu danbeeysa ee Gobolka ayaa hadda ah in ay ku fashilmeen beesha Xawaadle qorshaha isir sifeynta, balse weli aysan quusan oo ay u hanqal taagayaan in ay hantaan hubkii qaranka, si ay dib uga qabsadaan degaanada Deefow iyo Kabxanleey.

Waxaa kaloo sababay in qorshaha isir sifeynta inuu fashilmo, inaysan horeyna u dhicin, haddana dhaceyn inuu qabiil qabiil kale isir sifeyn ku sameeyo. Beesha Xawaadle oo is mahadisay mar hadii ay awooda gobolka oo dhan walba ay gacanta ku hayaan, haddana waxaa cajiib ku noqotay in dagaalka dhimashada iyo dhaawaca mar walba uu u badan yahay dhanka beesha Dulmiga wada.

Ugu danbeytii midnimada iyo macangacnimada beelaha Surre oo wacad ku maray inay u dhintaan hanashada degaanadooda ayaa ah arrinta laf dhuun gashay ku noqotay qorshahan guracan oo ay Beesha Xawaadle ka wadaan degaanadan, keeni kartana in Xawaadle uu quusto, ama uu dhaco dhawaan dagaal faraha looga gubto oo aan waxba leysu reeban labada dhinac.

Kala soco wixii ka soo kordha xaaladaha degaanada Kabxanley iyo Deefow halkan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee degaanada Kabxanleey iyo Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.