Wararkii ugu danbeyey ee Degaanka Deefow iyo warar shegaya in ay jiraan Abaabul laga wado gudaha iyo baadiyaha.

Wararkii ugu danbeyey ee Degaanka Deefow iyo warar shegaya in ay jiraan Abaabul laga wado gudaha iyo baadiyaha.

Sida wararka lagu helayo waxaa saakey degan Deegaanka deefow ee Gobolka Hiiraan oo dagaalo ay ka dhaceen maalmo ka hor.

xaalada dadka deganka ayaa ah mid feejiognaan ay ku jirto ka dib markii ay ogaadeen in ay jiraan Abaabulo ay Wadaan Maleeshiyada Xawaadle oo taageera buuxda ka heleysa Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dowlada Somaliya dhanka Madaxweyne Culusow. Beesha Xawaadle oo wada in ay dagaal rogaal cilina ku soo qadaan Deegaanka Degmada Deefow iyo Kabxanleey oo ay horey iskugu dayeen in xoog ku qabsadaan Balse ay u suurto galiweysey ilaa hadana ay ka samriweysanyihiin Maleeshida uu taaro maamulka Hiiraan.

Gudaha Magalada Baladweyn iyo xeryaha Ciidamada dowlada ee maamulka Gobolka ayaa waxaa la soo shegayaa in ay ka dhexjiraan Abaabul ciidan kuwaas iyo Qaar kale oo barriga degaanada Fog fog laga abaaabulayo sidii ay Deegnaaka Deefow iyo Kabxanleey weerar ugu qaadi lahayeen.

Arintaan oo ay si buuxda ula socdaan Dadka Shacabka ah ee Deegaanada Deefow iyo Kabxanley xiligaan in ay kala hadleen dhamaan dadka Gobolka odayaal dhaqameed kooda, waalow aysn jirin cid ka tirsan odayaasha oo war ku so celisey.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa ka go’aana dadka degnaka in ay iska diacaan Gardarada lagu soo wado ee ciidanka loogu aruursanayo xiligaan taasna ay u shegayaan Dowlada Dhexe in ay soo faragaliso gardarada qaawan iyo masuuliyada ka saaran xasiloonida Gobolka iyo weliba hubka qaranka oo beel qura gacanta u galay oo si aanan la gambasho laheyn ugu xusuuqa shacabka degaanadan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeyey ee Degaanka Deefow iyo warar shegaya in ay jiraan Abaabul laga wado gudaha iyo baadiyaha."

Leave a comment

Your email address will not be published.