War Deg Deg ah: Caawa waxaa ka baxay magaalada Baladweyne Tekniko iyo ciidamo badan oo ku wajahan degaanada Kabxanleey iyo Deefow

War Deg Deg ah: Caawa waxaa ka baxay magaalada Baladweyne Tekniko iyo ciidamo badan oo ku wajahan degaanada Kabxanleey iyo Deefow

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo wata Tekniko badan inay ka baxeen magaalada Baladweyne caawa oo isniin ah, 06.oktobar, iyagoo ku wajahan degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Ciidamada halkaa ka baxay oo isku bahaystay dagaalka dulmiga iyo gardarada lagu haya  dadka degaanada Deefow iyo Kabxanleey ayaa jirin cid moog dowlada iyo Amisom intaba balse waxaa is weydiin mudan ma iman in dowlada ay ka dhabeyso, si joogta ahna u dhaqan geliso  xakameynta hubkan faraha badan oo ay gacanta u geliyaan qabiil gaar ah, oo u adeegsan hubka in lagu huriyo dagaal sokeeye.

Waxaa muuqata in markale ay ku guul dareysteen ciidamada Amisom iyo dowlada inay xakameeyaan hubkii ay ku aamineen beesha Xawaadle ee caawa lagu duulaan tagay, waxa dhici doonana ay qof walba u cadahay, taasoo ah in masiibo hor leh iyo dagaal faraha looga gubto uu ka dhici doono halkaa saacadaha soo socda.

Ciidamada xaq u dirirka degaanada Deefow iyo Kabxanleey ayaa ku jira diyaar garow kii ugu weynaa ee soo mara degaanka, difaac adag, iyo niyad sareysa ku jooga guryahooda, halkaas oo ay wacad ku mareen inay iska difaaci dadkan isku soo  bahaystay dulmiga kuna soo weeraro mar walba guryahooda iyo degaanadooda.

Wixii kasoo kordha saacadaha soo socda xaalada degaanaada Deefow iyo Kabxanleey halkan kala soco

cowslafil.com

Be the first to comment on "War Deg Deg ah: Caawa waxaa ka baxay magaalada Baladweyne Tekniko iyo ciidamo badan oo ku wajahan degaanada Kabxanleey iyo Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.