Dowladda Mareykanka oo soo dhoweysay Heshiiska Saddexda Gobol lagu Ansixiyay

Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRS) James P. McAnulty ayaa soo dhoweyyey 23da June Saxiixa Heshiiska dhexmaray maamulada Saddexda iyo Lixda gobol ee Koonfur Galbeed, si loo meel mariyo xalka dhismaha maamulka saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay ku ammaaneysaa hoggaanka labada dhinac ee shirka ka qayb galay howshooda wax dhisaya iyo dhabar adeyga ay muujiyeen si loo helo xeer-jajab, kadib wadahadalo dib u heshiisiineed oo todobaadyo socday. Mareykanka waxa ay sidoo kale aqoonsadeen kaalinta wax galka ah ee ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ka cayaartay fududeynta wadahadalka dhexmaray xubnaha labada dhinac.

“Dowladda Mareykanka waxay soo dhoweyneysaa heshiiskaan taariikhiga ah, waxay sii wadi doontaa dhiirigalinta iyo taageerada dhammaan qaybaha si ay uga shaqeeyaan in ay gaaraan isu tanaasul xal ku dhisan, oo aan hormarineyn oo keli ah ka qayb galka dhammaan qabaa’ilada goboladaan, balse hormarineya nabadda iyo daganaanshaha. Waxaan rajeynayaa horumar waara oo laga gaaro dhismaha maamul iyo heshiiska maamul goboleed ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha kale duwan,” ayuu yiri Wakiilka gaarka ah.

inkastoo goobta lagu heshiisiiyay maamulada 3-da gobol iyo 6-da gobol ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ayna soo dhaweeyeen talaabadaas ayagoo ku tilmaamay talaabo dhinaca nabada hore loogu qaaday, waxaa soo baxaya diidmo ay sameenayaan kooxaha ku caanka baxay dhaca iyo boobka oo uu ugu horeeyo dagaal ooge Axmed Diiriye iyo beesha uu ka soo jeedo ee ku caanka baxday dhaca iyo boobka hantida umadda muslimka ah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dowladda Mareykanka oo soo dhoweysay Heshiiska Saddexda Gobol lagu Ansixiyay"

Leave a comment

Your email address will not be published.