R/Wasaraha Somaliya oo shegay in aan laga hor Imaan karin Go’aankii lagu mideeyey 3-da gobol ee Koofur Galbeed

R/Wasaraha Somaliya oo shegay in aan laga hor Imaan karin Go’aankii lagu mideeyey 3-da gobol ee Koofur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu markale ku celiyay in Xukuumadiisa ay taageersan tahay Maamulka Saddexda Gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose.
Isaga oo ka hadlaye Shirjaraa’id uu ku qabtay Ra’iisul Wasaaraha Garoonka Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in wax waliba oo ay Maamulka KMG Koonfur Galbeed u baahan yihiin Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay.

Wuxuu sheegay in dhinacyada kasoo horjeeda Maamulkaasi looga baahan yahay inay ka tanaasulaan fekerka diidmada ah ee ay kaga soo horjeedaan, maamulkaasi, isaga oo cadeeyay in Xukuumadda ay taageersan tahay heshiiskaasi oo ahaa mid sax ah.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya aysan isku khilaafsaneyn Aqoonsiga maamulka Saddexda Gobol, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ay kawada hadli doonaan arintaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uduulay dalka Dibadiisa, waxaana uu aaday Equatorial Guinea, halkaasi oo uu ka furmayo kulan caalami.

cowslafil.com

Be the first to comment on "R/Wasaraha Somaliya oo shegay in aan laga hor Imaan karin Go’aankii lagu mideeyey 3-da gobol ee Koofur Galbeed"

Leave a comment

Your email address will not be published.