Golaha Wasiirada Oo Caawa Ansaxiyay Heshiiskii Maamulada 3-Da Iyo 6-Da Gobol ee koofur galbeed

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay caawa Ansaxiyeen heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Maamulada 3-da iyo 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed ee Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa caawa shir guddoominaayay fadhiga ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada Somaliya.

Kulankaan, ayaa ka dambeeyay markii Ra’iisal Wasaaraha uu si deg deg isugu yeeray Golaha Wasiirada, si looga arrinsado hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka C/laahi Goodax Barre. Waxaana markii dambe lagu Ansaxiyay heshiiska labada Maamul.

Wasiir Goodax, ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaan uu si cad uga horimaanaayo Nidaamka Federalism-ka iyo Dastuurka dalka, ka gadaal markii uu sheegay inaan waxba laga weydiinin Wasaaradiisa, oo ku shaqo leh arrimaha Maamul u samaynta Gobolada. wasiir ayaa u muuqday nin aad u careysay oo laga fashiliyey waxyaabo u qarsanaa isaga iyo  xulafadiisa axmed diiriye iyo xaad  waxey dad badan la yaabeen  hadalkiisa.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa lagu sheegay in  xukkuumada ay taageersan tahay heshiiska ay kala saxiixdeen Maamulada Koonfur galbeed.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur Galbeed, waxaan sii wadi doonaa dhiirigelinta iyo taageerada heshiiska.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

“Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qayb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan, oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah, dadka wada daga deeganadaasina si caddaalad ah ay u dhistaan Maamul KMG ah oo ay ku midaysan yihiin.” ayuu Ra’iisal Wasaaraha ku sheegay Warbixinta laga soo saaray Xafiiskiisa.

Be the first to comment on "Golaha Wasiirada Oo Caawa Ansaxiyay Heshiiskii Maamulada 3-Da Iyo 6-Da Gobol ee koofur galbeed"

Leave a comment

Your email address will not be published.