Warakii ugu danbeeyey ee dagaalka saaka ka dhacay halka u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey

Warakii ugu danbeeyey ee dagaalka saaka ka dhacay halka u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey

Dagaal ayaa ka bilowday halka u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey, halkaas oo ay saakaday Kow iyo toban saac markay aheyd saacada, ay weerar gardara ah soo qaadeen maleeshiyadii laga eryey degaanada Deefow, Kabxanleey, iyo tuulooyinka u dhaxeeya.

Maleeshiyada ka soo duusha Baladweyne oo lagu yaqaan in ay cagaha wax ka dayaan marka ay kala kulmaan iska caabin xoogan dhalinyarada xaq u dirirka difaacanaya degaanadooda iyo maatadooda.

Dagaalka maanta ayaa sida caadada u aheyd maleeshiyada reer Baladweyne markii ay la kulmaan dharbaaxo kulul, soo kaxeysta ciidanka qaran iyo Maamul ku sheega gobolka ka jira oo ah hal beel oo qaladay caalamka, gacantana ku dhigtay hubkii iyo hantidii qaranka, una adeegsan inay ku xusuuqaan, kuna burburiyaan degaano iyo dad soomaaliyeed.

Maleeshiyara reer Baladweyne iyo ciidanka ku sheega gobolka ayaa sii xoog ah ugu jabay dagaalka gardarada ay ku soo qaadeen Deefow iyo Kabxanleey. Waxa ay meesha uga carareen shan qofood oo meyd ah halka ay tiro kale oo badan oo dhaawac ay ula carareen Baladweyne.

Waxaana waqtigan xaadirka ah Joogsaday Dagaalkii oo aad ugu soo dhowaaday Magaalada Baladweynea, Sarkaal ka tirsan Ciidamada degaanka ayaa sheegay in ay si farxad leh ugu tukan doonaan Degmada Deefow iyo Kabxanleey Salaada Ciida oo ay rabeen Nimanka weerarka soo qaaday in ay Carqaladeeyaan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Warakii ugu danbeeyey ee dagaalka saaka ka dhacay halka u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey"

Leave a comment

Your email address will not be published.