Waxaa maanta si fiican looga ciiday Degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey

Waxaa maanta si fiican looga ciiday Degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey

Waxaa maanta sidii loogu tala galay looga ciiday degaanada Deefow iyo Kabxanleey
ka dib markii ay isku dayeen beesha ka soo duushay Baladweyne oo ka wada Gobolka isir sifeyn inay carqaladeeyaan farxada umadaha islaamka iyo maalinta qaaliga ku ah dhamaan dadka muslimiinta.

Waxaa ayaan daro ah in ka dib 23 sanno oo fowdo iyo qabiil lagu bur buriyey dalkii, weli inay jiraan dad aaminsan inay ku sameyn karaan dad ama qabiil kale isir sifeyn

Waxa ka socda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhibaatada lagu hayo shacabka iyo degaanada Deefow iyo Kabxanleey ayaa ah isir sifeyn iyo kuuma ogoli inaad ku noolaato degaanadan oo ah degaano soo jiray ka hor caasimada Baladweyne oo ay weligood degenaayeen beelaha Surre.

Waxaa ka bilaabatay Chaptar cusub gobolka Hiiraan, xaqi ayaa ka dilaacay, xaq daradii iyo dulmigii ayaa guul dareystay dagaaladii ugu danbeeye, shacabkii Gobolka Hiiraan oo ku mideysan Westland State waxaa ka go’an in la badbaadiyo mustaqbal Gobolka, iyo shacabka inta dulman iyo kuwa dulmiga wada intaba, sidaa aawadeed, beesha Xawaadle hadeysan is daba qaban, waxaa waajib ah in iyagana la badbaadiyo (Leyska qabto inta dulmiga wada), umadaha kale ee dulmana loo gurmado.

Weli waxaa ina soo gaaraya in magaalada Baladweyne caawa mar kale laga soo abaabulayo dagaal gardaro ah oo lagu qaado degaanada Kabxanleey iyo Deefow, natiijada ka soo baxda halkaa oo noqon doonto mid la mid ah xaqa oo guuleysta, iyo dulmiga oo suula.

Halkan kala Soco wixii ka soo kordha wararka degaanada Deefow iyo Kabxanleey

cowslafil.com

Be the first to comment on "Waxaa maanta si fiican looga ciiday Degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey"

Leave a comment

Your email address will not be published.