Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada Deefow iyo Kabxanley

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada Deefow iyo Kabxanley

Waxaa la helay warkii oo dhameystiran ee dagaalada ka dhacay maanta Deefow iyo Kabxanleey Waxaa ina soo gaaray in dagaalkii hore oo bilowday maanta 08:00’kii aroornimo, meel u dhow degaanka Deefow oo ay isku uruursadaan maleeshiyada beesha Xawaadle ee dhulboobka iyo fowdada ka wada halkaa.

Waxaa u suuro gashay in ciidanka xaq u dirirka ee ka soo jeeda Degaanada Deefow iyo Kabxanleey ay iska difaacaan weerarkii lagu soo qaaday, cagtana ay mariyeen halka ay isku uruursadeen maleeshiyada ka  soo duushay Baladweyne saacadu markey aheyd 9’kii aroornimo.

Waxaa kaloo isla maanta 12′ duhurnimo u suura gashay in markale leysku fara saaray magaalada Kabxanleey, halkaas oo ay beesha dulmiga ka wada gobolka ay ka wadeen abaabuul duulaan ay ku soo qaadaan Deefow, dibna looga saaray oo ay noqdeen maleeshiyada Baladweyne wax baabuur ku carara
iyo inta hartay oo cagta maalay.

Weli ma aysan ka waantoobin maleeshiyada reer Baladweyne dulmiga iyo duulaanka ay ku hayaan dadka degaanka Deefow iyo Kabxanleey oo caawa oo jimca ah waxaa markale isku soo uruursadeen saldhigyo ay ka sameysteen qeybo ka mid ah Kabxanleey, halka ciidamada xaq u dirirka ee degaanada Deefow iyo Kabxanleey ay la socdaan, difaac iyo gurmad badana uu soo gaaray, oo la filayo in waqti walba uu dagaal dib uga qarxo halkaa.

Waxaa iyadana mudan in la xuso in maamulka Amisom ay bilaabeen inay xakameeyaan maamulka qeyra masuulka ah ee
ka danbeeyey in hantidii iyo hubkii qaranka lagu xusuuqa dadka, laguna gubo degaanada Kabxanleey iyo Deefow. Arrintan ayaa ah arrin muhiim ah oo muujineysa in nidaamka dowliga iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalkeena inay ay masuuliyadooda kaga  aadan inay xakameeyaan waxyaabaha carqaladeynaya dowladnimada iyo qaranimada si cad looga hortago, loona sheegay in beesha xawaadle ay kala doorato inay qaran noqoto ama qabiil, loona ogolaaneyn in markale ay hubkii dowlada u adeegsadaan inay ku xusuuqaan dadka soomaaliyeed, laguna qaxiyey degaanadoodii oo ay hadda dib ugu soo noqday.

Wixii kaloo ku soo kordha xaalada Deefow iyo Kabxanleey halkan kala soco.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada Deefow iyo Kabxanley"

Leave a comment

Your email address will not be published.