Dagaalka kabxanleey maanta ka dhacay oo lagu kala baxay

Wararkii ugu danbeeyey ee degaanka Kabxanleey …

Waxaa ina soo gaaray in lagu kala baxay dagaalkii ka dhacay Kabxanleey maanta, lagana saaray saldhig ka mid ah halka ay beesha Xawaadle dhibka iyo duulaanka ka soo abaabulaan.

Ciidamada degaanka Deefow iyo Kabxanleey ayey u suuro gashay inay ku guuleystaan iskana dulqaadaan dagaal oogayaasha dhibka ku hayo dadka iyo degaanka Deefow & Kabxanleey.

Waxaa socda gurmad dhan walba ah oo soo gaaraya ciidamada xaq u dirirka degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ay markaan ka go’an tahay inay dib u hantaan degaanadooda iska dul qaadaan dulmiga iyo duleysiga ay ku hayaan maamulka dagaal oogayaasha ay hormuudka u yihiin beesha Xawaadle ee ka soo duulo Baladweyne.

Halkan kala Soco wixii ka soo kordha xaalada Deefow iyo Kabxanleey.

Cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaalka kabxanleey maanta ka dhacay oo lagu kala baxay"

Leave a comment

Your email address will not be published.