Baaq Nabadeed, KU: Beelaha Jaarso (Dir) iyo Gerri (Daarood)


Ku: Madax dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Jaarso (Dir)
Ku: Madax dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Geri (Daarood)
Ku: Xukuumada Somali State
Ogeysiin: saxaafada ku hadasha afka Somaliga .
Ogeysiin: xukuumada federaalka ah ee dadka Itoobiya

Ujeedo Baaq Nabadeed
Golaha Guurtada ee Ururka Midnimada Direed waxaa ay halkan baaq nabadeed uga dirayaan beelaha Jaarso (Dir) iyo Geri (Daarood) ee ku dagaalamay magaalada Tuliguleed.

Beelahan oo ka soo kala jeeda Beelweynta Dir iyo Daarood, ood wadaagna ah, ayaan waxaan ka codsan labada dhinac in colaada iyo gacan ka hadalka lagu bedelo wada hadal, lana dhowro deris wanaaga, isla mar ahaantaana si nabadgelyo ah loogu wada noolaado dhamaan caasimada Jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Waxaa halkan baaqa nabadeed ka diraya Golaha Guurtada Ururka Midnimada Direed xubnahiisa Boqorada, Salaadiinta, Ugaasyada, Saraakiisha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada, iyo dhamaan hormuudka arrimaha bulshada. Xubnahan oo codsan in si degdeg ah loo joojiyo colaada iyo dhiiga dadka islaamka iyo soomaalida ah ee ku dhaqan degaanada Somali State.

Sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa xukuumada federaalka Itoobiya iyo xukuumada Somali State iyo weliba madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Beelaha Dir iyo Daarood gaar ahaan, iyo dhamaan beelaha Soomaaliyeed guud ahaan, in si deg deg ah u farogeliyaan, uguna guntadaan sidii loo joojin lahaa colaada iyo dagaalada ka socda magaalada Tuliguleed.  
Liiska hogaanka dhaqanka iyo rugcadaaga beelaha Direed ee ku dhaqan dhamaan geeska Afrika
1.Boqor Osman Aw Maxamed (Buurmadow)
2. Suldan Bashiir Geele.
3. Suldan Hussein Sh.
4 Suldaan Ismail Suldaan Odowaa Osman.
5. Suldan Yuusuf Haji Mohamoud Xiirey.
6. Suldan Ibrahim Cali Haji.
7. Suldan Husein Sheekh Osman.
8. Suldan Ibrahim Adan Daldal.
9. Ugaas Mohamud Ahmed Hersi

10. Gudoomiye Ibrahim Ali Adan.
11. Aqoonyahan Mohamed Nuur Ahmed
12. Suxufi Abdirizaq Osman Fadal
13. Aqoonyahan Abdiqaadir Mohamud Xarbi
14. Aqoonyahan Mohamed Ismail
15. Prof. Abdisalan Ahmed Yuusuf
16. Aqoonyahan Abdikarim Ahmed Warsame
17. Aqoonyahan Mohamed Abdi
18. Abwaan Osman Mohamed Adan (Osman Shayn)
19. Aqoonyahan Maxamed Ali Haybe
20. Aqoonyahan Ciise Sheekh Ismail
21. Aqoonyahan Muxyadiin Muuse Sh. Abraar
22. Aqoonyahan Abiib H. Yaasiin
23. Sheekh Mohamed Bocor
24. Aqoonyahan Ali Sheekh Xasan
25. Aqoonyahan Mohamed Qawdhan
26. Aqoonyahan Yussuf Mukhtar Hussein
27. Sheekh Hassan Sheekh Abdirashid
28. Aqoonyahan Cabdi samad caqli nageeye
29. Aqoonyahan Ruugcaddaa Ahmed Shell

ALLAA MAHAD ISKA LEH.
TAARIIKHDA: 01.DESEMBER.2018
…………………………………………………………………

XOGHAYAHA GUUD EE UMD
ABDIFATAH HAJI BUHE
…………………………………………………………………

Baaqnabadeed__Jaarso_Geri_desember_2018

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baaq Nabadeed, KU: Beelaha Jaarso (Dir) iyo Gerri (Daarood)"

Leave a comment

Your email address will not be published.