Baaq Nabadeed beelaha Surre iyo Xawaadle

Ku: Madax dhaqameedka iyo waxgaradka Beesha Surre (Dir)
Ku: Madax dhaqameedka iyo waxgaradka Beesha Xawaadle (Hawiye)
Ku: Maamulka Gobolka Hiiraan
Ogeysiin: Saxaafada ku hadasha afka Somaliga.
Ogeysiin: Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya

Ujeedo Baaq Nabadeed

Golaha Guurtada ee Ururka Midnimada Direed waxay halkan baaq nabadeed uga dirayaan beelaha Surre (Dir) iyo Xawaadle (Hawiye) oo in mudo ahba ku dagaalamayey degaanada Kabxanley iyo Deefow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Dagaaladan oo socday in ka badan muddo labo sanno ah ayaa sababay dhimasho labada dhinac, burbur balaaran oo dhan degaan, dalag iyo duunyo intaba.

Beelahan oo ka soo kala jeeda Dir iyo Hawiye, mudo dheerna deris wanaag ku wada noola, ayaa in muddo ahba waxba laga qaban colaada iyo degaalada dhex maray beelahan, balse hadda ay muuqataa saansaan nabadeed oo mudan in la soo dhaweeyo, leyskana kaashado sidii nabad waarta loo heli lahaa.

Waxaa halkan baaq nabadeed ka diraya Golaha Guurtada Ururka Midnimada Direed xubnahiisa Boqorada, Salaadiinta, Ugaasyada, Saraakiisha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada, iyo dhamaan hormuudka arrimaha bulshada.

Xubnahan oo u mahad celin dhamaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Yusuf Ahmed Hagar, madax dhaqameedka iyo waxgaradka Beesha Surre, iyo madax dhaqameedka iyo waxgaradka Beesha Xawaadle, sida hufan oo ay u soo dhaweeyeen beelahan gogasha nabadeed, isla mar ahaantaana loo maray xeer dhaqameed, halkaas oo ay diyo iyo duugba ku bixiyeen beelaha Surre ka dib dilkii labo marxuum oo ku baxay gacanta Surre dhawaan.

Baaq nabadeed.pdf

ALLAA MAHAD ISKA LEH.
STOCKHOLM, SWEDEN
TAARIIKHDA: 07.DESEMBER.2018
…………………………………………………………………

GUDOOMIYAHA URURKA MIDNIMADA DIREED
IBRAHIM ALI ADAN
…………………………………………………………………

Be the first to comment on "Baaq Nabadeed beelaha Surre iyo Xawaadle"

Leave a comment

Your email address will not be published.