Ururka Midnimada Direed oo halkan baaq nabadeed ugu diraya beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Diredhabe

Ku saxaafada ku hadasha afka Somaliga .
Ku xukuumada federaalka ah ee dadka Itoobiya
Ku xukuumada Somali State
Ku madax dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Ciise iyo beesha Gurgure

Ujeedo Baaq Nabadeed
Ururka Midnimada Direed waxa uu halkan uga soo dirayaa baaq nabadeed labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaalada Diredhaba iyo degaamada ku xeeran.

Waxa na soo gaadhay war naxdin leh, oo sheegaya in labada beelood ee walaalaha ah ee Ciise iyo Gurgure ay ku dagaalamayaan magaalada Diredhaba iyo degaanada ku xeersan oo weligood si nabad ah ku wada degenaa halkaas.

Waxaan kaloo baaq nabadeed aan halkan ugu direynaa dhamaan degaanadan hoos ku xusan
• Tuliguleed
• Degmooyinka Qubi iyo Mayo kana mid ah gobolka Erer ee State’ka Soomaalida
• Degmada Mooyaale iyo degaanada ku xeeran

Waxaa halkan baaq nabadeed ka diraya Salaadiinta, boqorada, Ugaasyada, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka Midnimada Direed waxay halkan si wada jir ah uga soo dirayaan baaq nabadeed iyo in si degdeg ah loo joojiyo colaada iyo dhiiga daadanaaya ee dadka walaalaha ah.

Sida kale waxaanu ka codsanaynaa xukuumada federaalka Itoobiya iyo xukuumadaha Somali State iyo weliba madaxdhaqameedka iyo waxgaradka labada beelood, inay si dhakhso ah u farogeliyaan oo uguntadaan sidii loo joojin lahaa colaadaas iyo dagaalkaas ka socda magaalooyinka Diredhaba iyo nawaaxigeeda,

Sidoo kale waxaanu codsanaynaa in xukuumada federaalka Itoobiya, xukuumadaha Somali State iyo madaxdhaqameedka dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay iska kaashadaan in si dhakhso ah loo joojiyo colaadaha ka jira dhamaan degaanada Tuliguleed, Qubi, Mayo, Degmada Mooyaale iyo nawaaxigeeda.

Liiska hogaanka dhaqanka beelweynta Direed

1. Maxamed Nuur Ahmed
2. Suldaan Bashiir Geele
3. Abdirizaq Fadal
4. Abdiqadi Mohamud Harbi
5. Mohamed Ismail
6. Prof Abdisalaan
7. Abdikarim Ahmed Warsame
8. Ugaas Mohamud Hirsi
9. Mohamed Abdi
10. Osman Shayn
11. Suldaan Hussein Sh. Osman
12. Ciise Sheikh Ismail
13. Muxyadin Muuse Sh. Abraar
14. Abiib Haji Yaasiin
15. Sheikh Mohamed Bocor
16. Ali Sheikh
17. Mohamed Qowdhan
18. Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow
19. Sheikh Hassan Sheikh Abdirashid
20. Sheekh Mohamed H. Ismail
21. Cabdi samad caqli nageeye
22. Suldaan Ismail Odowaa
23. Maxamed Xaaji Maxamed Ali
24. Hussein Dantihaye
25. Ahmed Abdi Dahir (Shell)
26. Boqor Maxamuud Sheekh Cismaan
27. Prof. Abdisalaan

Taariikhda
19.november.2018
…………………………………………………………………

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed
Ibrahim Ali Adan
……………………………………………….

Baaqnabadeed_november_2018

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ururka Midnimada Direed oo halkan baaq nabadeed ugu diraya beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Diredhabe"

Leave a comment

Your email address will not be published.