Xildhibaan Katirsan Maamulka KGS Oo Colaad Ka Hurinaya G/Shabeellaha Hoose

Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore oo kamid ah xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay mas’uuliyiin katirsan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo doonaya in colaada kudhisan qaab qabiileed ay dib uga kiciyaan qeybo kamid ah Gobolka shabeellaha hoose.

Kadib khudbadii kusimaha madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ahna wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka KGS mudane Maxamed Xasan Fiqi oo uu ku sheegay in dagaalka ka socda gobolka shabeellaha hoose ay ku howlanyihiin in ay wax ka qabtaan islamarkaana dagaalka uu yahay mid u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa deegaanka iyo Amisom oo iskaashaneysa iyo xarakda Al-shabaab oo dhinac ayaa waxa arintaasi ka soo horjeestay Mahad Cabdi Dhoore oo isku sheegay in uu katirsanyahay xidhibaanada KGS isaga oo sheegay in dagaalku uu yahay mid beeleed isaga oo ujeedkiisu yahay in uu dagaal beeleedyo horleh uu dib uga qarxiyo Magaalda Marka ee Gobolka shabeellaha hoose.

intaasi waxii ka danbeeyay Idaacadda Danan ayaa xiriiro la sameysay shacabka Magaalda Marka, mas’uuliyiinta Magaalda Marka oo ugu horeeyo gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow waxa ayna inoo xaqiijiyeen shacabka magaalada Marka iyo Mas’uuliyiintooda in ay dagaalo kula jiraan Xarakada Al-shabaab xildhibaankuna yahay mid weligii colaad beeleedyo ka oogi jiray Magaalada Marka ee Gobolka shabeellaha hoose.

Mahad Cabdi Dhoore oo katirsan xildhibaanada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo la soo xiriiray Idaacadda Danan ayaa sheegay in uusan wareysi bixin doonin hayeeshee dagaalku yahay mid u dhaxeeya laba beeleed sida uu isagu doonayana ay tahay in ay Idaacadda Danan ay tabiso shacabkana ka dhaadhiciso rabitaankiisa.

Waxay u muuqataa talaabada uu ku dhaqaaqay Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore in ay tahay mid lagu kicinayo dagaalo beeleed horleh oo muddo ay ka nasatay magaalada Marka sida ay Idaacadda Danan u xaqiijiyeen gudoomiyaha Magaalada Marka ee G/shabeellaha hoose iyo kusimaha madaxweynaha maamulka KGS maxamed Xasan Fiqi ahna wasiirka beeraha iyo waraabka maamulkaasi.

Magaalada Marka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka taagnaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, dadka deegaanka oo kaashanaya Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom iyo Xarakada Al-shabaab oo dhnac ah waxaana arintaasi dhegaha ka faraystay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo aan ilaa haddaba ka hadlin.

Xigasho radiodanan.net

cowslafil.com

Be the first to comment on "Xildhibaan Katirsan Maamulka KGS Oo Colaad Ka Hurinaya G/Shabeellaha Hoose"

Leave a comment

Your email address will not be published.