Barakac Baahsan Oo Ka Bilowday Magaalada Marka

warar lagu kalsoonyahay oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in uu Barakac aad u weyn ayaa hadda ka bilowday degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ay habeenkii xalay ahaa ay ku wada dagaalameen Xarakada Alshabaab iyo ciidamada DFS.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in shacabka Magaalada Marka ay badankooda wadaan barakac waxa uuna sheegay in dadku ay qabaan cabsi ku aadan in dib uu dagaal halkaasi uga qarxo.

Gobolka shabeellaha hoose afartii sano ee ugu danbeysay waxa lasoo dersay dagaal taxane ah oo u dhaxeeyay Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada deegaanka iyadoo aysan DFS ka hadlin dhibaatada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Barakac Baahsan Oo Ka Bilowday Magaalada Marka"

Leave a comment

Your email address will not be published.