Dhageyso Maamulka K/Galbeed Oo Sheegay In Dagaalka Ka Socdo Degmada Marka Uu U Dhexeeyaa Kooxda Alshabaab Iyo Ciidamada K/Galbeed Oo Kaashanaayo Dadka Deegaanka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Dagaallo culus oo maalmihii la soo dhaafay degmada Marka ku dhexmaraayey maleeshiyada kooxda Alshabaab iyo ciidamada maamulka oo gacan ka helaayo shacabka deegaanka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in maaleshiyada Alshabaab ay dhibaato xooggan ku hayaan Shacabka ku nool magaalada Marka,

Wasiir Maxamed Xasan Fiqi oo isagaba ka soo jeedo magaalada Marka ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamada ammaanka inay iska kaashadaan sidii ay deegaanadooda uga ciribtiri lahaayeen maleeshiyada Alshabaab ee xiligan dooneyso inay qabsadaan Magaalada Marka.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Marka uusan xiligan ka jirin wax Dagaal beeleed ah.

Hoos ka dhageyso hadalka Maxamed Xasan Fiqi

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso Maamulka K/Galbeed Oo Sheegay In Dagaalka Ka Socdo Degmada Marka Uu U Dhexeeyaa Kooxda Alshabaab Iyo Ciidamada K/Galbeed Oo Kaashanaayo Dadka Deegaanka"

Leave a comment

Your email address will not be published.