Dagaal Culus Oo U Dhexeeyo Ciidamada Ammaanka Degmada Marka Iyo Maleeshiyada Alshabaab Ayaa Caawa Ka Soconayo Magaalada Marka

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee xarunta ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas caawa uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka dowladda Koonfur Galbeed iyo maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka oo xoogiisa uu ka socdo agagaarka Isbitaalka degmada Marka iyo Kawaanka Buufow ayaa waxa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ammaanka Maamulka degmada Marka ayaa weerar laba afle ah ku qaadey goobo Maleeshiyada Shabaab kaga sugan yihiin dhismeyaal ku dhow Isbitaalka Marka iyo dhisme kale oo kaabiga ku haaya Xarunta guriga u kireysan NGO-ga SWISSO Kalmo.

Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in ay maqlayaan rasaas culus oo ku hoobaneyso dhismeyaal u dhow Isbitaalka degmada Marka iyo SWISSO Kalmo.

Warar horudhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in xilligan dhismeyaal dhowr ah oo ay qoryo la saarnaayeen maleeshiyada Shabaab ay xabadu ka joogsatey kadib markii dhismayaasha ay ku dhaceen qoryo Sabanno iyo qoryo kale oo aad u culus.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda magaalada Marka kala soco wararkeena dambe.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal Culus Oo U Dhexeeyo Ciidamada Ammaanka Degmada Marka Iyo Maleeshiyada Alshabaab Ayaa Caawa Ka Soconayo Magaalada Marka"

Leave a comment

Your email address will not be published.