Xaalada Degmada Marka Oo Weli Kacsan

Xaalada degmada Marka ee G/Shabeellaha Hoose ayaa saakay laga dareemayaa cabsi xoogan maadaama ay dagaallo ka dhaceen shalay iyo xalay.

Degmada marka iyo deegaano ku teedsan ayaa maalinkii shalay waxa ku wada dagaalamaya ciidamada Dowladda Fedraalka Soomaaliyo iyo Maleeshiyaad taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay xabadu joogsatay xalay hayeeshee ay hadda xaaladu kacsantahay lagana baqayo in ay dib u bilowdaan dagaaldii shalay iyo xalay ka socday degmada Marka ee G/shabeellaha Hoose.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Xaalada Degmada Marka Oo Weli Kacsan"

Leave a comment

Your email address will not be published.