Daawo Saadaashii Professor Ahmed Ismail Samatar Ee Xaaladda Cakiran Ee Somaliya Oo Run Noqotay (Video)

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqaanyahan Soomaaliyeed oo in ka badan 30 sano macallin ka ahaa jaamacado ku yaallo dalka Mareykanka ayaa wareysi lala yeeshay 2014-kii ku iftiimiyey hab-dhaqanka kala duwan ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna muujiyey in Somaliland u noqotay meesha kaliya iftiin yar uu kaga soo muuqday.

Waxyaabaha uu Prof. Ahmed Ismail wareysigan kaga sheegaayo madaxda Villa Somalia ayaa dhammaan run noqday, waxaana fashilkii ugu dambeeyey uu ahaa shirkii Kismaayo oo la ogaa maan-gaabnimada qolooyinka ku shiray Kismaayo.

Professorka ayaa wareysigiisa ku sheegay in labo beelood (Hawiye iyo Daarood) isku koobeen madaxtinimada Soomaaliya taasoo curyaamisay Soomaaliya isla markaasina isaga ku keentay inuu ka laabto dadaaladii uu ku bixin jiray midnimada Soomaaliya.

Professorka ayaa sheegay in aqoonyahada Somaliland ku saxnaayeen goortii ay qaateen go’aankooda gooni isu-taagga, wuxuuna muujiyey in isagana uu Xamar ku soo arkay wixii ay horey Xamar ugu soo arkeen aqoonyahanadii Somaliland.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Daawo Saadaashii Professor Ahmed Ismail Samatar Ee Xaaladda Cakiran Ee Somaliya Oo Run Noqotay (Video)"

Leave a comment

Your email address will not be published.