Dhageyso Khudbadii Qiimaha Badneyd Ee Suldaanka Beesha Isaaq Uu Ka Jeediyey Shirkii Nambar 50

Suldaan Saciid oo ka mid ahaa salaadiintii ka qeybgashay Shirkii Namabr 50 ayaa hadallo muhiim ah halkaasi ka jeediyey isagoo tusaalooyin usoo qaatay waayo badan oo uu usoo joogay.

Suldaanka ayaa amaan kala dul dhacay Xildhibaan Saciid Maxamed Cali iyo siyaasi Muxyadiin Maxamed Xaaji oo uu ku amaanay tallaabada ku dayashada mudan ee ay ku dhaqaaqeen.

Wuxuu kaloo ka hadkay shirar iyo kulamo horey u dhacay oo ay yeesheen beelaha Direed, wuxuu ka hadlay
duulaanka lagu haayo beesha Dir iyo kala daadsanaan jirta.

Ugu dambeyn Suldaanka ayaa farta ku goday siyaasiyiinta Qoomiyadda Direed oo mas’uuliyiin badan ku leh Dowlada Xamar iyo sida ay dhegaha uga fureysteen dhibaatada lagu haayo deegaanada ay degaan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso Khudbadii Qiimaha Badneyd Ee Suldaanka Beesha Isaaq Uu Ka Jeediyey Shirkii Nambar 50"

Leave a comment

Your email address will not be published.