Halka lagu qaban doono shirka maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe oo la soo saaray

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu dhawaaqay in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale wareegtada ayaa lagu sheegay in magaalo madaxda Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ay noqoneyso degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu tixgeliyay dareenka shacabka, isla markaana dhageystay soo jeedinta odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda labada gobol.
Hadaba Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:-

XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE
MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay : SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka

Markuu Tixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo Ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Markuu Garwaaqsaday: in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo Xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad
Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

Qodobka 2aad
Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.

Qodobka 3aad
Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

Qodobka 4aad
Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Be the first to comment on "Halka lagu qaban doono shirka maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe oo la soo saaray"

Leave a comment

Your email address will not be published.