Yuusuf Dabageed Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Dowlada Muqdisho ayaa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah siyaasi kasoo jeeda Gobolka Hiiraan u magacaawday in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolkaasi.

War laga helay Mas’uuliyiinta ka socda dowlada ee ku sugan Hiiraan oo maanta kulan ku qaatay Garoonka Ugaas Khaliif ay shaaciyeen in xilkii ay laga qaadey C/fataax Xasan Afrax oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa noqonaya markii seddaxaad oo loo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana uu bedelayaa C/fataax Afrax oo qudiisu laba jeer loo magacaabay xilkan.

C/fataax Xasan Afrax oo hada ku sugan Muqdisho ayaa loo haaystaa eedeymo la xiriira inuu ku lug lahaa dil dhawaaan Beledweyne loogu geystay shaqaale u shaqeen jiray hey’ad miina baarista. C/Fataax Afrax ayaa waxaa kaloo lagu eedeyn in xusuuqa, barakiciinta, iyo dhibaatooyinka loo geystay shacabka degaanada Kabxanley iyo Deefow.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Yuusuf Dabageed Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.