Dhegeyso Gudoomiyaha Degmada Towfiiq Oo Aan La Yeelanay Wareysi Dhinacyo Badan Taabanay

Gudoomiyaha Degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug Maxamed Cabdulqaadir Axmed oo wareysi gaar ah na siiyey ayaa ka hadlay arimo fara badan.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn ka hadlaya xaga hormarka ay ku talaabsatay Degmada Towfiiq, isagoo ka sheekeeyey adeegyada kala duwan ee bulshada sida waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo guud ahaan waxa meesha ka jira.

Dhan kale Gudoomiyaha Towfiiq ayaan wax ka weydiinay arimo la xiriira mid ka mid ah beelaha dega Mudug oo dhawaan laga xiray Mas’uuliyiin iyo kuwo hore u xirnaa, waxaana si faahfaahsan uu uga jawaabayaa dhamaan su’aalaha arimahaasi la xiriira.

Mar aan wax ka weydiinay culeys Degmada kaga imaanaya Maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka Galmudug ayuu inoo sheegay in uu jiro guluf colaadeed oo kaga soo wajahan Maamulkaasi, wuxuuna qiray in ay u diyaar garoobeen.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray beelweynta Saleebaan Cabdalle oo kasoo jeeda Mugud oo uu ugu baaqay inay hormariyaan deegaanadooda.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhegeyso Gudoomiyaha Degmada Towfiiq Oo Aan La Yeelanay Wareysi Dhinacyo Badan Taabanay"

Leave a comment

Your email address will not be published.