Shirkii 3’aad ee Golaha Samatabixinta oo ka dhacay Galbeedka Baladweyne

Golahan oo loo dhisay inuu samatabixiyo shacabka reer Hiiraan, isla mar ahaantaana abuuro jawi iyo aasaas looga tashado aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan ayaa durbaba waxaa muuqda in ay hirgeliyeen qaar ka mid ah hadafyada ay hiigsanayaan.

Masuuliyiinta iyo xubnaha golaha ayaa shirkii seddexaad ku qabtay magaalada Baladweyne maalinimadii qamiista, 03.desember.2015. Shirkan oo looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa in la sugo nabadgelyada gobolka, isla mar ahaantaana laga tashado mustaqbalka iyo aayaha gobolka. Shirkan oo ay soo abaabuleen hogaanka golahan ayaa waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin xoq isweydaarsi la xiriirta xaalada guud ee Gobolka, marxaladihii adkaa ee uu soo maray gobolka, iyo isbedelada dhanka nabadgelyada iyo horumarka ee uu golahan ka fuliyay degaano ka mid ah gobolka, degaanadaasoo ay halakeysay colaad oo ay dowlada dhexe ka gaabisay inay wax ka qabato.

DSC02405

Gudoomiyaha Golahan mudane Cabdi Faarax Daahir oo u waramay shabada cowslafil ayaa sheegay in golahan uu waqti iyo howl badan geliyey sidii looga abuuri lahaa jawi nabadeed degaanada Gobolka oo idil. Gudoomiyaha ayaa xusay in haddii nabad la helo ay fududaan in la dhaqan geliyo qorshaha golahan uu ugu tala galay in lagu horumariyo gobolka, waxna looga qabto dhibaatooyinka, colaadaha, xasilooni darada, iyo marxaladaha adag ee la doonayo in laga gudbo.

DSC02403
Waxaa kaloo u waramay shabakada cowslafil Suldaan Hussein Cismaan Sheikh Yusuf oo xubin ka ah Golaha Guurtada. Suldaanka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan arrimo farxad gelin doono dhamaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo dalka intiisa Kale. Suldaanka ayaa sheegay in Hiiraan ay ku taal bartamaha Soomaaliya, gobolkan uu isku xiro gobolada dalka intiisa kale, waxaana ku dhaqan halkan inta badan beelaha Soomaaliyeed. Suldaanka ayaa sheegay in haddii lagu guuleysto in la mideeyo beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hiiraan, arrintan ay tusaale iyo wado u furi karto dalka intiisa kale oo u baahan midnimo, nabadgelyo, iyo horumar.

Waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiin kale oo badan oo ka kala socda 13’ka beelood ee uu golahan ka kooban yahay, waxaana dhowaan idiin soo gudbin doonaa hadaladii qiimaha badnaa oo ay halkaa ka soo jeediyeen masuuliyiinta, rug’cadaaga ka hadlay shirkan seddexaad ee Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta shacabka hiiraan.

Sawiro:
DSC02405

DSC02403

DSC02451

DSC02448

DSC02444

DSC02439

DSC02435

DSC02434

DSC02433

DSC02432

DSC02431

DSC02429

DSC02428

DSC02423

DSC02422

DSC02420

DSC02419

DSC02417

DSC02414

DSC02413

DSC02412

DSC02411

DSC02410

cowslafil.com

Be the first to comment on "Shirkii 3’aad ee Golaha Samatabixinta oo ka dhacay Galbeedka Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.